Home / Cayaaro / Barcelona oo hoos u dhigaysa xiisihii ay u qabtay Ruben Neves

Barcelona oo hoos u dhigaysa xiisihii ay u qabtay Ruben Neves

Himilo – Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay qaboojisay xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves.

Mustaqbalka xiddiga reer Portugal ayaa mar kale su’aal la geliyay intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan iyadoo lala xiriirinayo kooxo badan oo Yurub ah.

Arsenal iyo Manchester United ayaa si xoogan xiisaynayay Neves, inkastoo kooxda Bruno Lage loo maleynayay inay dalbanayaan wax ka badan 70 milyan ginni.

Barcelona ayaa la filayay inay dib u soo ceshato xiisaha ay u qabto 25 jirkaan, laakiin sida laga soo xigtay Sport – via Birmingham Live – Neves hadda ma ahan bartilmaameedkooda koowaad ee khadka dhexe.

Neves ayaa haatan ku jira xilli ciyaareedkiisii lixaad ee Wolves ka dib markii uu 16.1 milyan ginni kaga soo biiray Porto xagaagii 2017, waxaana uu wadar ahaan u diiwaan gashan 25 gool iyo 12 caawin 220 kulan oo uu u saftay kooxda.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan