Barcelona oo Isha ku heysa laacibka hogaaminaya gooldhalinta Seria A

Muqdisho – Krzysztof Piatek ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay tan iyo  Gabriel Batistuta ee gool dhaliya todobadiisa kulan ee ugu horeeya ee Serie xilli ciyaareed.Laacibka qaranka Poland ayaa Genoa kaga soo biirey naadiga Cracovia bishii  June.

Piatek ayaa guud ahaan horyaalka Seria A ka diiwan gashaday sagaal gool, kaddib markii uu ciyaarey todobo kulan,waana xiddiga ugu goolasha badan horyaalkaan.

Jookarka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa afar gool ka dhaliyey horyaalka, halka laacibka naadiga Napoli ee Lorenzo Insigne uu shan gool shabaqa ku beegsaday, xilli ciyaartoydii loogu bartay hoggaanka gooldhalinta Serie A Mauro Icardi and Gonzalo Higuain midna uu dhaliyey 1 midka kalena uu labo mar shabaqa gaaray.

Laacibkaan ayaa sidoo kale naf-saddiisa ku qancinaya in uu soo faagay taariikh horey u duugneyd, taasi oo ku qotonta keyd uu abuuray laacibkii Argentina  Batistuta sanaddii 1994-95.

Piatek ayaa si aan qarsi laheyn loola xiriirinayaa in uu u hadaafayo mid kamid ah kooxaha ciyaaraya tartanka Champions league, waxaana hogaamineysa naadiga Barcelona.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan