Home / Cayaaro / Barcelona oo ku taameysa inay lacag la’aan ku heleyso Inigo Martinez

Barcelona oo ku taameysa inay lacag la’aan ku heleyso Inigo Martinez

Himilo – Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsaneyso inay isku daydo saxiixa daafaca dhexe ee Athletic Bilbao Inigo Martinez inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

31-sano jirkaan ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Basque waxa uu dhacayaa bisha June ee soo socota, waxaana ay u muuqataa inuu diiday fursad uu ku saxiixi lahaa heshiis kordhin.

Barcelona ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain xagaagii hore, laakiin suuqa kala iibsiga ayaa xirmay isaga oo wali ku sugan San Mames.

Martinez ayaa dhaawac jilibka ah ku seegay bilawgii xilli ciyaareedka 2022-23 laakiin waxa uu ku lug lahaa lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga, oo uu ku jirto barbarihii 2-2 ay la galeen Getafe kulankii ugu dambeeyay.

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa la sheegay inuu si weyn ula dhacsan yahay wiilka reer Spain, iyadoo xagaaga soo aadan uu rumeysan yahay inuu si xor ah ula soo wareegi karo.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan