Home / Habka-Nolosha / Barcelona oo Manchester United ka dooneysa Depay

Barcelona oo Manchester United ka dooneysa Depay

Wiilka garabka uga cayaara kooxda kubadda cagta Manchester United  Memphis Depay ayaa diiradda u saaran kooxda Barcelona oo xiiseyneysa saxiixiisa sida ay baahinayaan wargeysyada kasoo baxa dalalka Spain iyo Ingiriiska.

Kooxda Catalonia ayaa doorka koowaad ka dhiganeysa wiilka Atletico Madrid Luciano Vietto, haddiise saxiixiisa ay ku hungowdo waxay u dhaqaaqi doonta xiddiga ku fashilan Old Trafford ee Depay.

Jariiradda reer Spain ee  Don Balon ayaana qabta in kooxda Barcelona ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqaaqeyso si ay u soo xero geliso wiilka reer Netherland oo waqti xun ku qaadanaya kooxda Manchester United.

Barca ayaa keliya £17m ku dalbaneysa wiilkan oo 12 bil kahor Red Devils ay adduun dhan £25m kaga soo qaadatay kooxda PSV Eindhoven.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan