Barcelona ayaa diyaar u ah iney sare u qaado dalabka ay dooneyso iney kula soo saxiixato weeraryahanka Valencia Paco Alcacer iyadoo gaarsiineysa ilaa 30 Malyan oo Euro kadib markii ay iibiyeen Claudio Bravo sida ay fahantay shabakadda caalamiga ah ee Goal.com
Kooxda difaacaneysa La Liga ayaa faa’iido shan malyan ah ka heshay iibka Claudio Bravo oo ka dagay Manchester City iyadoo badalkeeda ay la timid Jasper Cillessen.
Si kastaba Barcelona ayaa haatan diyaar ah u iney la kulanto lacagaha ay Valencia ku dooneyso 22-jirkeeda xirfadda wanaagsan ee Paco Alcacer.
Los Che waxey rajeynneysaa iney xidigeeda ku hesho qiimo u dhaxeeya 30 ilaa 35 Malyan oo Euro ka hor inta uusan arbacada xirmin suuqa kala iibsiga dalka Spain.
‘Bilowgii xagaagan madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday inuusan 40 Malyan oo Euro ka bixin doonin ciyaariyahan badal ah, balse gacmaha kooxda waa la xirxiray.
Alcacer waa xiddiga kaliya oo ay doonayaan Barcelona kaas oo ku qanacsan inuu kursiga keydka fadhiyo, Enrique ayaana doonaya inuu u adeegsado badalka MSN.