Himilo FM – Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso bisha Janaayo daafaca Juventus ee Daniele Rugani.
Rugani ayaa 72 kulan u saftay Juventus tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Talyaaniga sanaddii 2013 laakiin 24 jirkan ayaa ku dhibtooday in uu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedka 2018-19ka.
Xaqiiqdii laacibka reer Talayaani ayaa keliya seddex kulan oo Serie A ah u saftay fasal ciyaareedkaan isaga oo guud ahaan xilli ciyaareedkaan dheelay shan kulan.
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa ugu jirto daafaca dambeedka dhexe maadaama Samuel Umtiti ay dhaawacyo soo gaareen sida laga soo xigtay Diario Sport, Rugani ayaa u muuqda mid bartilmaameed u ah camaaliqda.
Barcelona ayaa dooneysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddigan,taasi oo laga yaabo inay si toos ah ula saxiixato dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Rugani wuxuu ku guuleystay seddex horyaal oo Serie A ah iyo saddex Coppa Italia intii uu joogay Juventus.