Himilo – Barcelona ayaa la soo weriyay in ay u sheegtay Frenkie de Jong in uu u baahan yahay inuu isaga tago kooxda xagaagan xilli uu cadaadis kala kulmayo Manchester United.
Mustaqbalka 25-sano jirkaan ayaa qabsaday hadal heynta suuqa kala iibsiga, iyadoo tababaraha cusub ee Red Devils Erik ten Hag uu quus ka taagan yahay inuu dib ula midoobo difaaciisii hore ee Ajax.
Warar hore ayaa sheegayay in Man United ay ogolaatay qiimo dhan 72 milyan ginni oo ay ku jiraan lacagaha lagu daro heshiiska De Jong, kaasoo kooxda ugu kici lahaa 63.5 milyan ginni.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Joan Laporta ayaa beeniyay jiritaanka heshiiskaas, waxaana uu dhawaan u sheegay ESPN: “Frenkie de Jong waa ciyaaryahankeena, runtii waan jeclahay isaga.
Barcelona ayaa weli ka soo kabsaneysa dhaqaale burburkii uga yimid cudurka faafa ee coronavirus, The Independent ayaa sheeganeysa in De Jong ay kooxdu u sheegtay inay tahay inuu meel kale u wareego toddobaadyada soo socda.
Balse De Jong ayaa la sheegay inuu doonayo inuu dhimo mushaharkiisa si uu u sii joogo Camp Nou. Xiddigan ayaa dhaliyay 13 gool iyo 17 caawin 140 kulan oo uu kooxda u saftay tan iyo 2019.