Himilo – Markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2000/01, Barcelona ayaa ku guuldareysatay inay u gudubto wareega 16ka Champions League oo ay u dhacdo Europa League.
FC Barcelona ayaa noqon doonta kooxda ugu weyn ee ka maqnaan doonta wareega 16ka Champions League iyadoo la soo gabagabeeyay wareega group-yada ,iyadoo xalay dib loo dhigay kulankii Atalanta iyoVillarreal oo la ciyaari doono Khamiista, iyadoo kooxda Catalan ay isaga hartay tartanka ka dib markii looga badiyay 3-0. Waana guuldaradii 10-aad ee Barcelona UCL 3 gool iyo wax ka badan la kulantay tan iyo bishii Febraayo 2017. Waxaa korjoogteynayey 5 tababare oo kala duwan.
Kooxda Benfica ayaa guul 2-0 ah ka gaartay kooxda Dynamo Kyiv, si ay u xaqiijistaan kaalinta labaad ee Group E, islamarkaana ay u dhaadhiciyaan kooxda Xavi Hernandez tartanka Europa League.
Markii ugu danbeysay ee Barcelona ay ku guuldareysato inay u gudubto wareega 16ka Champions League waxay aheyd xilli ciyaareedkii 2000/01. Kooxda reer Catalan ayaa ku dhameysatay kaalinta sedaxaad ee group-keeda iyadoo ka hooseysa AC Milan iyo Leeds United. Waxa ay kooxda u ahayd meel hoose waana mid uu xasuusan doono tababaraha haatan ee Xavi. Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa ka mid ahaa kooxdii Llorenç Serra Ferrer xilli ciyaareedkaas, waxaana uu ka soo muuqday seddexdii kulan ee ugu dambeysay heerka group-yada. Markii ugu dambeysay oo kooxda Primera ay awoodi weyday inay u soo baxdo heerka group-yada Champions League waxay aheyd 2003dii iyagoo ku dhameystay kaalinta lixaad ee LaLiga.
Kooxda reer Catalan ayaan waligood ka qaybgalin tartanka UEFA ee magac cusub laga dhigay tan iyo markii hore ee UEFA Cup la siiyay moniker-ka cusub 2009kii, isku aadka isniinta ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee kooxda Camp Nou ay ka soo muuqato isku aadka tartanka heerka labaad.
Inkastoo shan Champions League ay ku guuleysteen magacooda, Barça waxay ku guuldareysatay inay ku guuleysato UEFA Cup 11-kii xilli ciyaareed ee ay ka qeybgashay tartanka, si kastaba ha ahaatee kooxda Catalan ayaa u gudubtay heerka semi-finalka tartanka afar jeer laakiin waxay ku dhacday Liverpool 1975/ 76, PSV Eindhoven laba xilli ciyaareed ka dib waxaana laga badiyay kulankii Bayern xilli ciyaareedkii 1995/96. Markale Liverpool ayaa dib u dhigtay ololihii 2000/01.
Kooxda reer Catalan ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay tartanka UEFA Cup Winners Cup oo ay ku guulaysatay afar jeer iyada oo guusheedii ugu danbaysay ay ahayd finalkii 1996/97 markaas oo uu Ronaldo dhaliyay rigoore ku filan in uu koobka ku xaqiijiyo. UEFA ayaa ka takhalustay tartanka CWC 1999 iyadoo kooxda cusub ee Catalan ay qarka u saaran tahay inay gasho safar cusub 2021/22 Europa League.
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud