Home / Macluumaad / Barnaamij loo sameeyay ragga doonaya inay xaasas badan guursadaan!

Barnaamij loo sameeyay ragga doonaya inay xaasas badan guursadaan!

Muqdisho – Kadib garwaaqsiga in rag badan oo adeegsada shukaansiga online-ka ah ay isku dayayaan helidda xaasas dheeri ah, horumariyaha barnaamij software ah ayaa go’aansaday inuu u fududeeyo – isaga oo u abuuray page gaar ku ah nimanka godadlayaasha ah.

Sanad kahor, isaga oo dhex meeraya dhowr mareegood oo shukaansiga ku lug leh, Lindu Pranayama wuxuu fahmay in badi dadka soo booqda ay yihiin kuwa xaasas qaba – raadinayana mid iyo laba cusub. Nasiib-darro, inta badan bogaha shukaansiga online-ka ah, ma bixiyaan adeeg u gaar ah godadlayaasha. Sidaas darteed, wuxuu go’aansaday inuu abuuro AyoPoligami – oo la micno ah aynu guurka badino – waana barnaamij application cusub ah oo lagu keydiyay baahida ay qabaan.

“Marka ay galaan bogaha shukaansiga, ma arkaan mid iyaga gaar u ah. Way ku adag tahay inay helaan xulashada xaas labaad ama mid saddexaad oo ay la aqal-galaan,” Pranayama ayaa u sheegay Channel New Asia.

80% dadka Induniisiya waa Muslimiin, hayeeshe halka guursiga badan uu sharci ahaan bannaan yahay, rag badan ayaan xaasas dhowr ah wada guursan sababo jira awgeed. Xaaskiisa koobaad waa inay ugu horreyn siisaa fasax, kadibna waa inuu ogolaansho ka qaataa maxkamadda. Fasaxa waxaa inta badan lagu ansixiyaa marka bahweynta ay naafowdo, la jiifsato cudurro halis ah ama aysan carruur dhalin.

Sidaas darteed, godadlenimadu ma ahan mid laga dhiirri-geliyay gudaha Induniisia, waana taas sababata AyoPoligami ay u noqotay mid la isku maan-dhaafay taniyo markii la hir-geliyay bishii April ee sanadkan. Waxaa jira kuwa badan oo rumeysan in shabakaddani ay sees u noqoneyso dhibaatooyin dahsoon oo dumar badan kusoo furma marka ay is afgartaan godadlayaasha.

“Xaqiiqdu waa in haweenku aaalaaba ku murmaan inay xuquuq ku waayaan guursiga nin xaasas badan – godadlenimadu wa hab qalalaaso oo dumarka ka dhan ah,” ayuu yiri Indriyati Suparno, oo ah hoggaanka guddiga qaran ee kahor-taga xad-gudubka haweenka.

AyoPoligami waxay noqotay mid shacbiyad ku leh bulshada, waxaana taniyo markii la aas’aasay application-ka la degsaday 37,000 oo jeer. Dhibaatadu wa in rag badan aysan hadda isku dayin inay jid dheer u maraan hanashada xaas labaad. Mana dhacayso inay kala tashadaan bahweyntooda.

Sababahan awgeed, Lindu wuxuu hadda si ku meel-gaar ah u laalayaa is-diiwaan-gelinta fudud. Wuxuuna ku howlan yahay soo saarista barnaamij cusub oo u baahnaan doona in qofku la yimaado ID kaar, haddii uu yahay xaasle iyo in kale iyo warqad uu kasoo qaadanayo afadiisa bah-weynta ee guriga u joogta.

Lindu, kaas oo kolkii hore ay ku adkeyd inuu helo lammaane uu nolosha la qeybsado ayaa dhawaan guursaday gabar uu ka bartay application-kiisa AyoPoligami. Waana afadii ugu horreysay. Mana sheegin haddii uu qorsheynayo inuu sii guursado iyo in kale.

AyoPoligami-app2 AyoPoligami-app3-750x938

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan