Home / Cayaaro / Bayern Munich oo go’aan ka gaaraysa David Alaba

Bayern Munich oo go’aan ka gaaraysa David Alaba

Himilo – Kooxda Bayern Munich ayaan  diyaar u ahayn in ay iibiso David Alaba inta lagu guda jiro suuqa January.

28 jirkaan ayaa weli ah shaqsi muhiim u ah kooxda seddexleyda koobabka ah ku guuleysatay, isagoo hal gool dhaliyay midna caawiye ka noqday 10 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan 2020-21.

Qandaraaska Alaba ee Allianz Arena ayaa dhacaya xagaaga soo socda, inkastoo labada dhinac aysan weli ku guuleysan inay heshiis ka gaaraan muddo kordhintiisa.

Kooxo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Arsenal, Liverpool, Real Madrid iyo Juventus, ayaa la sheegayaa inay xiiseynayaan saxiixa laacibka heerka caalami ee dalka Austria, kaasoo xor u noqon doona inuu la hadlo kooxaha ajaanibta ah billowga sanadka 2021, haddii uusan qandaraaska u kordhin kooxda heysata horyaalnimada Yurub.

Sida laga soo xigtay wargayska Bild, Bayern ayaa meesha ka saartay iibka Janaury iyaga oo doorbidaya halista suurtagalka ah ee ku aadan in ay si xor ah ku waayaan daafaca.

Alaba, oo ku guuleystay sagaal horyaal oo Bundesliga ah intii uu la joogay Der FCB, ayaa la sheegay inuu u furan yahay fikradda ah inuu ku biiro koox ka dhisan Premier League.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan