Home / Cayaaro / Bayern Munichoo dooneysa weeraryahanka Federico Chiesa

Bayern Munichoo dooneysa weeraryahanka Federico Chiesa

Himilo – Tababaraha Bayern Munich Julian Nagelsmann ayaa la dhacsan weeraryahanka Juventus Federico Chiesa, sida lagu sheegay warbixin.

23 jirkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray intii lagu guda jiray orodkii Italy ee hanashada Euro 2020, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah intii lagu jiray kulankii ugu dambeeyay ee Axadii ay England kaga badiyeen Wembley.

Chiesa ayaa labo gool ka dhaliyay Austria iyo Spain intii lagu jiray wareega bug baxa, bandhigyadiisana kama aysan helin kooxaha kale ee ugu waa weyn qaarada.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ee Bild, maamulaha cusub ee Bayern Nagelsmann ayaa xiiseynaya inuu helo saxiixa Chiesa, laakiin wuxuu qirey in lacagta ay dhibaato ka imaan karto.

Xiddiga reer Talyaani ayaa farsamo ahaan wali amaah ugu jooga Juve kana yimid Fiorentina, laakiin kooxda Marwada duqda ah waxaa waajib ku ah inay xagaaga kusoo iibsato qiimo gaaraya € 50m (£ 42.7m) oo gunooyin la xiriira wax qabad ah.

Chiesa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Juventus wuxuu arkay isaga oo dhaliyay 14 gool 10na caawiyey 43 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 16 uu ka dheelay 30 kulan oo Serie A ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan