Himilo – Dan keentaba wararka aan jirin ee la faafiyo way nala soo gu’ tirsadeen, marka aan dib u raadqaadno sooyaalka aadanaha waxaan ka heleynaa dhacdooyin been abuur ah (Fake News) oo dadweynaha lagu dhex faafiyay.
Tusaale nool Ummunaa Caa’isha waxaa laga faafiyay war been abuur ah kaas oo in muddo ah la isla dhex marayay balse ugu dambeyn uu Alle ka bari yeelay, halkaas waxaan ka ogaan karnaa inuu soo jiray been abuurka. Marka aan si gaar ah u eegno sooyaalka Soomaalida waxaan ka heli karnaa murti ka hadlaysa beenta sida “Been fakatay runi ma gaarto” “ Beeni raad ma leh” iyo qaar la mid ah oo na tusaya jiridda been sheegidda.
Wararka been abuurka ah waa sheeko wareed la abuuro oo aan laheyn caddeymo lagu xaqiiqsan karo waxaa loo dhoo-dhoobaa si ula kac ah, mararka qaarna waa khiyaali, ujeedka loo sameeyo waa in laga helo dhaqaale iyo in lagu gaaro dan gaar ah sida mid siyaasadeed, waxaa kale oo been noqon kara war ama sheeko loo weriyo si ka duwan sida ay u dhacday.
Shirkadaha Facebook iyo Twitter oo aad loo isticmaalo waxaa lagu faafiyaa marar qaar xogo aan saxneyn, cadaadis dawladaha uga yimid kaddib waxay wadaan dadaal looga durkayo baahinta macluumaadka khaldan. Balse culeys waxa uu ka jiraa kororka dadka kusoo biiraya isticmaalka Internet-ka. Sannad walba malaayiin hor leh ayaa ku soo biira, waxay baro u gaar ah ka sameystaan baraha bulshada, waxay soo dhigaan macluumuud isku jira. Maanta wararka beenta ah waxay si toos ah u gaaraan dad badan waxaa sahlay internet-ka. Saamaynta been abuurka way sii jiraysaa ilaa inta shuruuc laga dejinayo.
Yaa leh Masuuliyadda wararka bugta ah?
Ra’yi aruurin la sameeyey 2018, 29% dadkii ka warceliyay su’aalihii la hor dhigay waxay sheegeen in masuuliyadda ugu weyn ee wax hubinta looga fadhiyo dadka isticmaala baraha bulshada. waxaa la rumeysan yahay inay sii soconayaan wararka aan jirin ee la faafiyo, sababtoo ah si shaqsi-shaqsi ah ama koox ah ayaan isugu gudbinaa, 14% dadka la wareystay waxay caddeeyeen inay si ogaal ah saaxiibadood ula wadaagaan wararka ku saabsan siyaasadda aan jirin – iyaga oo share ku dhaha. sidaas darteed waa ay iska caddahay inay sii jirayaan wararka beenta ah illeen dadka iyaga ayaaba diyaar u ah inay faafiyaane!
Saameynta wararka been abuurka ah
Wixii ka horreeyay sannadkii 2016-kii, aad looguma baraarugsaneyn saameynta wararka la been abuuro, balse hadda waa mid kamid ah mushkiladaha khatarta ku ah jiritaanka dawladaha, hay’adaha, qoysaska iyo bulshada oo dhan. La socoshada warbaahinta Mareynkanka waxay gaartay heerkii ugu sareeyay daba-yaaqaddii 2016, waxaa loo sababeeyay wararka Propaganda ah oo xilligaasi aad loo buun-buuniyey, waana tan horseeday inuu guuleysto madaxweyne Trump. Hal-ku-dhegga Donald Trump waa “Fake News”, kaddib markii uu batay isticmaalka eraygaas, sannadkii 2017-kii waxaa lagu daray qaamuuska iyadoo loo aqoonsaday erayada soo kordhay isla sannadkaas.
59% dad lala kulmay,lana wareystay waxay sheegeen in aysan hubin run ama been waxay yihiin macluumaadka la soo dhigo baraha dadweynaha, dad kale oo badan waxay shaaciyeen inay ka welwel qabaan wararka beenta ah, arrintan waxaa ka dhashay wareer la walaaloobay dadka, Xogaha aan jirin ee la baahiyo, natiijada ka dhalata waxay ku gaaf wareegtaa khilaaf, isku dhac, is aaminaad la’aan, marin habaabin, muran iyo dadka oo la baro been sheegidda, saameyntu intaasi kuma koobna bal ka waran marka qof xanuun qaba uu helo xog jirradiisa xiriir la leh, oo lagula taliyo wax aan u rooneyn. Dhibaatada arrintaan waxay saameyneysaa xittaa sameeyaha waxaa daliil u ah maahmaahdan “ beentaadu boog bay kugu noqotaa”.
Waxaa la rumeysanyahay in wararka la been abuuro ay horseedi karaan xiisad ka dhex dhalata dawladaha, tusaale war la been abuuray waxa uu muran ka dhex dhaliyay Israa’iil iyo Pakistan.
Deg deg u fididda been abuurka.
1- Marka uu qof soo dhigo bartiisa warar been abuur ah, 70% ayay dadku dib u sii dhigaan barahooda.
2- Waxa ay ka faafi og yihiin, kuwa dhabta ah Jonathan Swift oo mar ka hadlayay deg degga wararka beenta ah waxa uu yiri “Beentu way duushaa, runtuna way dhutisaa”.
Sidee looga hor tagi karaa been abuurka?
Waxaa muhiim ah in aad had iyo jeer aad u taxadarto marka aad hesho macmuulaad waa inaad hubisaa mar iyo marar, taasi waxay yareyn kartaa wararka beenta ah, geesta kale tiknolojiyadda oo hadda qeyb weyn ka qaadata in wax been ah run loo ekaysiiyo, barashadeeda aad ayay kuu caawineysaa inaad kala garato waxa saxan iyo waxa la dhoo-dhoobay. Masuuliyad qofeed iyo mid wadareed oo la muujiyo waa kaalin kale oo lagu yareyn karo mushkiladan.
Waxaa jira aragtiyo kale , aqoonyahanada qaar ayaa qaba in dib loo nashqadeeyo Tiknolojiyada, balse tani waa arrin culus oo aan la isku haleyn karin, marka aad aragto sheeko la soo dhigay baraha bulshada, yaysan ku qaadin caadifad oo ha la wadaagin saaxiibbadaa inta aad ka hubsaneyso xogta.
Marka hore isha xogtaas laga helay baar, haddii aan la magacaabin meesha laga helay way adag tahay in run loo qaato, marka labaad xitaa haddii aad ku aragto caddeymo weli way adag tahay in aad fahanto macnaha guud, su’aalo is-weydii marka aad rog-rogto kaddib go’aan ka gaar inaaad la wadaagto saaxiibbadaa iyo in kale.
W/Q :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haaddi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com