Home / Cayaaro / Beiranvand oo ku guuleystey rikoorka Guinness ee kubad tuurista ugu dheer adduunka

Beiranvand oo ku guuleystey rikoorka Guinness ee kubad tuurista ugu dheer adduunka

Himilo – Alireza Beiranvand ayaa si rasmi ah u jabiyay rikoorka adduunka ee Guinness World Records waana tuuristii ugu dheereyd ee abid la diiwaan geliyo ciyaar kubbadda cagta ah.

Goolhayaha Iran ayaa ku guuleestay in uu gaaro sanadkii 2016 laakiin waxa ay qaadatay shan sano in si rasmi ah loo qiimeeyo heerka ugu dheer ee abid.

Ciyaar ay la ciyaareen South Korea, 29-sano jirku waxa uu arkay fursad weerar celis ah oo ku habboon in gacmihiisa uu ku gaarsiiyo xiddiga weerarka ahaa kubbadda.

Waxa uu tuuray tuurasho aad u weyn oo dabooshay saddex meelood meel garoonka waxa ayna ku dhacday wadadii uu maray weeraryahan Vahid Amiri. Xitaa waxaa u suurtagashay in uu dhulka kaga tago ciyaaryahan South Korea.

Amiri nasiib darro wuu ku dhamays tiri kari waayay in uu gool u badalo waxayna noqon lahayd malaha caawiyihii ugu wayneyd ee taariikhda kubbada cagta.

Boavista, oo Beiranvand uu hadda amaah ugu ciyaaro isagoo ka yimid R. Antwerp, ayaa soo galiyay muuqaal kubad tuuris ah iyo sidoo kubad joojin uu samaynao.

Waxa ay u qornayd sidan: “Masaafada dheer ee tuurista kubbadda cagta (soccer ball) ee ciyaar tartan ah ayaa ah 61m 26mm, (200 ft, 1.57in) waxaana ku guuleystay Alireza Beiranvand (Iran) oo u ciyaarayay Iran kulankii ay la qaateen South Korea ee ka dhacay garoonka Aradi Stadium.

Beiranvand wuxuu si joogto ah u tuuraa tuuristiisa dheer ciyaaraha caalamiga ah wuxuuna bilaabay kubad 80+ yards kulan ka dhan ahaa Syriabishii Sebtembar.

Sheekada cajiibka ah ee Beiranvand ayaa iyaduna noqotay mid caan noqotay . 25-jirkan ayaa ka cararay guriga markii uu yaraa si uu u rumeeyo riyadiisa ah inuu noqdo ciyaaryahan xirfadle ah, maadaama uu ka guurayreerkiisa, waxa uu ahaa guri la’aan in muddo ah.

Waxa uu u sii gudbay in uu ka shaqeeyo warshad dhar, mid baabuurta lagu dhaqo iyo nadiifiyaha wadooyinka ka hor inta aanu samayn xirfadiisan, sida uu sheegay The Guardian.

Waxa uu u sheegay The Guardian 2018: “Dhibaatooyin badan ayaa i soo maray si aan riyadeyda u rumeeyo laakiin ma doonayo inaan iloobo sababtoo ah waxay iga dhigeen qofka aan hadda ahay.” riyooyinkaas ayaa hadda ka dhigay isaga mid haysta rikoodhka adduunka.

W.Q:Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan