Home / Habka-Nolosha / Belgium oo guul taarikhi ah gaartay xilli Iceland iyo Hungary ay isku garab dhaceen

Belgium oo guul taarikhi ah gaartay xilli Iceland iyo Hungary ay isku garab dhaceen

Xulka qaranka Belgium ayaa kaddib bilow liita la cayaaray kulan xiisahiisa watay xulka Ireland, cayaar ka dhacday gegada Matmut Atlantique.

Qeybtii koowaad ee cayaarta barbaro goolal la’aan ah ayaa lagu kala baxay, hayeeshee daqiiqaddii saddexaad ee qeybta labaad Romelu Lukaku ayaa hogaanka u dhibiay xulkiisa Belgium.

Axel Witsel ayaa goolka labaad u dhaliyay xulkiisa daqiiqaddii 61aad kaddib markii 28 baas ay sameeyeen xulkan kahor goolka, waana taariikh cusub oo ay u sameeyeen Euro oo aanay xul kale sameyn tan iyo 1980.

Romelu Lukaku ayaa goolka saddexaad dhaliyay sagaal daqiiqo kaddib si uu u noqdo laacibkii u horeeyay oo Belgium cayaar caalami ah labo gool u dhaliya tan iyo 1998, markaa waxaa sidan oo kale sameeyay Koobkii Adduunka ee Faransa lagu qabtay macallinka xulka wata Wilmots.

Goolkiisii lixaad ee qaranka ayuuna dhaliyay Lukaku isagoo sidoo kale noqday laacibkii lixaad ee Belgium goolal ugu dhaliya tartamada Koobka Dunida iyo Qaramada qaaradda Yurub.

De Bruyne ayaa isna mudnaan kale lahaa kulanka xulkiisu ay 3-0 ku badiyeen kaddib markii uu ku lug yeeshay 10 gool tobankii kulan oo ugu danbeysay oo xulkiisa uu metelay, shan ayuu dhaliyay shan kalena caawiye ayuu ka noqday.

Dhanka kale xulalka Iceland iyo Hungary ayaa barbaro isla dhaafi waayay markii ay goor dhow ku wada cayaareen bugcadda Stade Velodrome.

Gylfi Sigurdsson ayaa hogaanka u dhiibay xulka yar ee Iceland daqiiqaddii 40aad, isagoo gool u rogay gool ku laad loo dhigay.

Birkir Saevarsson ayaase gool iska dhaliyay cayaarta oo labo daqiiqo oo qura ay ka harsan tahay.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan