Home / Macluumaad / Berlin: Bar-billowga mushkiladaha heysta Africa

Berlin: Bar-billowga mushkiladaha heysta Africa

Himilo – Galab Sabti ah, 15-kii November sanadkii 1884-kii, Shir ballaaran oo uu hindisihiisu lahaa hogaamiyihii Jermalka Otto von Bismarck, ayaa ka furmay hoygii uu ka deganaa magaalada caasimadda ah ee Berlin.

Miis u sameeysan sida qoobka fardaha ayay isugu yimaadeen madax mataleysa ku dhawaad 20 oo reer yurub ah, waxaa ugu tun waynaa wadamada Jarmalka, Faransiiska, Boqortootayada Midowday ee Britain, Biljamka, Bortuqiiska, Talyaaniga iyo Spain.

Ujeedka shirkaasi November waxa uu ahaa in la qaybsado qaaradda Africa, si loo helo kheyraad dabiici ah iyo suuq ay u iibgeeyaan badeecadaha ay soo saaraan warshadahooda, waxaase jiray mid daahsoon oo ahaa in dowladaha reer Yurub sida Faransiiska lagaga mashquuliyo mushkiladihii waqtigaasi ka jiray gudaha qaaradda oo loo weeciyo tan madow, sida uu qabo Dr Adekeye Adebajo oo ah qoraa Nigerian ah.

104 cisho oo uu shirku u socday hab goos-goos ah kaddib, 26-kii February, sanadkii 1885, reer Yurub waa ay ku heshiiyeen qeybsiga Africa. Si looga dhabeeyo heshiiskaasi marka hore waxey ku heshiiyeen in la qaado seddax tillaabo oo kala ahaa:

  1. In Koox sahmiyeyaal ah loo diro Africa, si ay heshiis kaga soo saxiixaan hogaamiyeyaasha dhulka ay tagayaan. Waxaa heshiiska ku dhigan inay aqbalaan in la illaaliyo.
  2. Waa in ay ku laabtaan dalalkii laga soo diray si ay u gudbiyaan heshiisyada ay soo saxiixeen.
  3. Intaasi kaddib, dowlad weliba waa inay la xaajootaa tan kale, si ay aqoonsi ugu hesho dhulka ay soo sahansatay, oo ka dhigan dhulka ay milkigiisa leedahay.

Billowgiiba waxay qabsadeen oo u gacan galay dhulkii ku teetsanaa xeebaha, kaddib waxa ay ku fideen intii kale. Sanado kaddib inta uusan billaaban dagaalkii 1aad ee dunida, dhulka qaaradda Africa 90% waxa uu u gacan galay toddobo dal oo kala ahaa Britain, Faransiiska, Bortuqiiska, Isbeyn, Jarmalka, Biljamka iyo Talyaaniga, halka kahor shirkii Berliin 80% ay gacanta ku hayeen hogaamiye dhaqameedyo iyo maamul hooseedyo kale afrikaan ah.

Sanadkii 1950-mayadii ayey Africa ku baraarugtay mushkiladda uu abuuray Gumeystaha waxaa qeybo ka mid ah qaaradda ka xoogeystay dagaaladii xornimada doonka ahaa, waxaa intii lagu jiray waqtigaasi xornimada qaatay illaa lix dalka.

Xornimo u dirirkii kale ee joogay dacallada qaaradda ayuu gaaray warka ah in dalal xoroobeen, waxey helaan niyad ay kusii wadaan dagaalkoodii gumeysi diidka ahaa, kaasi oo ugu danbeeyntii dhaliyay in Africa iska tuurto heeryadii gumeystaha.

La hel xorriyaddii, balse waxaa weli taagan mushkilnnadihii Siyaasadeed iyo kuwii dhaqan-dhaqaale ee gumeystuhu abuuray kana tagay.

Markii uu gumeystuhu soo sal-dhigtay qaaradda waxa uu billaabay in nidaamkiisii siyaasadeed hirgaliyo oo uu burburiyay habkii ay isku maamuli jireen bulshada uu u yimid. Badi Africa waxaa ay qaadatay labada hanaan ee laga soo waariday Faransiiska iyo Britain oo middi madaxweynuhu yahay kan ugu sarreeya dowladda, halka kan kalena ra’iisul wasaare ku kooban yahay.

Shucuubta Africa inay la qabsadaan nidaamkaasi waxa ay qaatay waqti, maadaama uu ahaa mid aysan horrey u garaneynin. Waxa uu abuuray jahwareer siyaasadeed oo dhaliyay in xukunka u gacan galo rag ku abtirsada milatariga, kuwaasi oo ugu danbeyntii u xuub siibtay kali-talis.

Waxaa qaarkood ku dheeraaday xukunka milatariga ahaa, sida Libya, Uganda, Masar oo isku dayda balse ku guuldareysatay, Burkina Faso, Chad, Mali, Guinea, Sudan iyo kuwa kale oo u badan kuwa dhaca galbeedka Africa.

Markii la damcay in laga horyimaado raggaasi oo la dabaqo hanaankii siyaasadeed ee gumeystuhu ka tagay waxey keentay in wadamadu galaan colaado sokeeye oo malaayiin ruux ay kaga dhinteen africa, Inkasto ay jiraan kuwa kasoo kabtay.

Tusaalle Nigeria oo ah dal dhaqaale ahaan xoogan, waxey ku qaadatay muddo ka badan 50 sano in xukun dalku u gacan galo dowlado rayid ah ayna ku wareejiso tu kale oo lasoo doortay si nidaamku u noqdo ul isku dhiib.

Sidoo kale gumeystihii Britain waxa uu sameeyay xuduud beeneed lagu kala xanibay shacabkii isku gudbi jiray, taasi waxey dhalisay in qoomiyad meel qura deganey la kala gooyo oo lagu kala daro laba dal.

Waxaa go’aankaasi uu abuuray 16 dal oo Africkaan ah oo aan lahayn wax bad ah oo ay kala soo degaan amaba ka dhoofiyaan wax soo saarkooda, waxaa ka mid ah Botswana, Burkina Faso, Burundi, Central African Republic, Chad, Ethiopia, Uganda, Malawi, Mali, Niger, Rwanda, iyo South Sudan, kuwaasi oo dhaqaale ahaan aanan istaagi Karin illaa ay isku dhiririyaan wadan kale oo jaar ah amaba u dhaw.

Dr Adekeye Adebajo oo ah qoraagga buugga “The Curse of Berlin” agaasime na ka ah xarunta xalinta khilaafaadka ee fadhigoodu yahay Cape Town, Koofur Africa, ayaa qaba in sababtaasi darteed ay Africa muhiim ugu tahay inay yeelato isdhex-qaad aan xayiraado llahayn.

Hanaankaasi Siyaasadeed ee dowladaha reer Yurub la yimideen Africa kaddib Shirkii Berlin, waxa uu dhaawac xoogan u geystay kobocii dhaqaalle ee qaaradda, sida uu qabo Joshua Dwayne Settles oo ah cilmibaare wax ka qora arrimaha dhaqaalaha.

Sida ku dhigan maqaalkii uu ka qoray dhawaca dhaqaalle ee kasoo gaaray qaaradda nidaamkii gumeystaha oo la daabacay sanadkii 2017-kii, quwadihii Yurub waxey abuureen shabakad ku jaangoyneyso wax soo saarka dhaqaalle ee Africa iyo dalabka dowladaha ku heshiiyay qeybsigeeda.

Taasi waxey keentay in qaaradda laga xannibo dowladihii kale oo ay ku xirneyd una iibgeyn jirtay wax soo saarkeedii u badnaa dahabka, shabakadduna waxey noqotay shukaan laga maamulo dhaqaalaha Africa, dabcanna waxey xanibtay kobacii.

Settles, waxa uu rumeysan yahay in hanaankaasi uu abuuray ganacsi aan isku dheeli-tirneyn, kaasi oo qaaradda ka dhigay mid ka danbeysa dunida inteeda kale illaa iyo maanta oo heshiiskii Berlin laga joogo 137 sano.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan