Himilo – Haweeney 83 jir ah oo ku dhacday ceel ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo kadib markii ay qeylo dhaamisay bisad la socotay.
Qof ka ag dhawaa goobta ayaa maqlay dhawaaqa bisad aad u ciyeysa. Kadib dareen ku dhashay wuxuu ku leexday halkii codku ka yeerayay.
Daqiiqado kadib wuxuu dul tagay haweeney ceel ku jirta oo u baahan caawinaad iyo makulaal dul taagan oo dhawaaqeysa kuna celcelineysa.
Boliiska iyo shaqaalaha gurmadka degdega ayaa goobta yimid kuwaas oo ku guuleystay inay si nabad ah u soo saaraan haweeneydaas.
Waxaa mahad celinta ugu weyn helay bisadda oo suura-gelisay in haweeneyda laga badbaadiyo ceel dhererkiisu gaarayo 70 cag kaas oo ku yaala UK.