Home / Habka-Nolosha / Bisad xanaaneysa digaaga yar yar

Bisad xanaaneysa digaaga yar yar

Himilo – Iyada oo ay ka muuqato damqasho iyo daryeel aan ka yarayn sida hooyadu muujiso, bisaddu waxay daryeeshaa oo ay korisaa ilaa 20 digaagad, kaddib markii ay korisay ilaa 20 digaag oo kale labadii sanno ee la soo dhaafay.

Bisaddu waxay u raacdaa jiijiilyaasha digaagga meel kasta oo ay tagayaan, waxayna u muujisaa sida ay u daneyneyso, iyadoo siiso cunto iyo cabbitaan, waxaa sidoo kale u sii dheer ilaalintooda habeenkii si ay uga helaan bisadda diirimaad iyo gabaad hoosteeda.

“Waxaan xanaaneeyaa bisadan iyo lix kale muddo labo sanno ah, laakin bisadan way ka duwan tahay kuwa kale, wayna ka degan tahay, waxayna la gaar tahay sifooyin cajiib ah, oo aanan ku arag xayawaanada kale, waxaa kamid ah tilmaamaha ay la gaar tahay inay kaalin weyn ka qaadato xanaaneynta digaaga yar yar” ayuu yiri Jahnikiz Xamah oo xanaaneeya bisadda iyo doorada.

Milkiilaha bisadda ayaa helay dalabyo badan oo soo jiidasho leh si looga iibsado, laakiin wuu ku gacan seyray aqbalaadda dalabyadaasi.

Waxaa sidoo kale loo soo bandhigay inuu ku qabto bandhigyo bisadda iyo digaaga ah dhowr gobol oo ka tirsan dalka Ciraaq, wuu oggolaaday wuxuuna sheegay in lacagaha ka soo xarooda bandhiyada uu ugu deeqi doono isbitaallada la tacaala kansarka iyo xanuunada Wadnaha.

Dad badan ayaa arrintan la yaabay, iyaga oo u maleeya in mukulaashu afkaba ka deyn haddii ay fursad ku hesho jiiljiilyaasha, hayeshee dadka qaar ayaase aragtidooda ku cabbiray in Sababta sida nabad galyada leh ay ugu wada nool yihiin hal meel ay tahay sida ruux xannaaneysta uu xil gaar ah isaga saaray, cuntadooda iyo cabitaankooda, taas oo aysan jirin baahi bisadda ku qasbeysa iney cunto digaaga.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan