Home / Macluumaad / Bisadaha walaalaha ah ee ugu da’da wayn UK oo helay dib u dejin

Bisadaha walaalaha ah ee ugu da’da wayn UK oo helay dib u dejin

Himilo – Olole saldhigiisu ahaa baraha bulshada ayaa suuragaliyay in dib loo dajiyo lana mideeyo mukulaalaha mataanaha ah ee la rumeysan yahay inay ugu da’da wayn yihiin UK.

Nikita iyo Leon oo 21-jir ah uma suuragalin noloosha oo dhan in meel qura ku wada qaataan, waxaase hadda dib u dejin loogu sameeyay Northamptonshire.

La yaabka ayaa ahaa in 100 ruux ay kasoo warceliyeen codsi ahaa in la helo cid xanaaneysa bisadaha walaalaha ah, kuwaas oo dhammaantood diyaar u ah inay rabbaayadeystaan.

Lama shaacin halka rasmiga ah ee la dejiyay bisadaha walaalaha ah ee ugu da’da wayn UK.

Mukulaalaha ayaa la rumeysan yihiin in badin cimrigoodu ka badan 40-sanno, 2005-tii ayey ahayd markii bisaddii ugu da’da wayneyd caalamka ee lagu dhigay buugga Guinness World Record, ay ku geeriyootay da’da 38-aad.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan