Home / Habka-Nolosha / Blues-ka oo guuldarro kala kulantay kooxda Spurs

Blues-ka oo guuldarro kala kulantay kooxda Spurs

Muqdisho – Delle Allii ayaa laba jeer oo uu shabaqa Blues-ka soo taabtay waxay guul taariikhi ah u horseeday kooxdiisa Spurs-ka – taas oo soo af-meertay rikoorka 13-kii guul ee is xigay ee Chelsea ku naalooneysay.

Blues-ka ayaa 2-0 guuldarro ah kasoo qaatay garoonka White Hart Lane ee kooxda  Tottenham.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0. Si kastaba markii la isku soo laabtay ayuu hadana laacibka Delle kooxdiisa u dhaliyay goolkii labaad taas oo hanqal-jabisay hamiga kooxda ee ahaa iany jabisho rikoorka ay dhigtay sanadkii 2002 kooxda Arsenal oo 14 kulan oo guulo is xiga kusoo qaadatay xagaagaas.

Balse Chelsea ayaa wali shan dhibcood ka sarreysa kooxda kusoo xigta ee Liverpool. Halka Spurs-kuna ay soo galeen booska saddaxaad ee kala horreynta England PL taas oo saadaal galisay haddii ay hanan karaan koobka sanadkan iyo in kale.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan