Home / Macluumaad / Booliska Pakistan oo xabsiga dhigay nin iibinayay kabo ay ka muuqato astaanta Hinduuga

Booliska Pakistan oo xabsiga dhigay nin iibinayay kabo ay ka muuqato astaanta Hinduuga

Jahanzaib Khaskheli waa dukaanle ku dhaqnaa magaalada koonfureed ee Tando Adam oo ka tirsan gobolka Sindh waxaana xiray booliska Pakistan markii la ogaaday inuu beecinayay kabo ay ku qorantahay astaanta Hinduuga.

Farrukh Ali oo ah taliyaha ciidanka booliska ee degmada ayaana xaqiijiyay in loo heysto Jahanzaib oo Muslim ah iibinta kabo ay ku qoran tahay calaamadda “Om” oo astaan u ah dadka aaminsan diinta Hinduuga.

Magaaladda Tando Adam oo 200km uga beegan dhanka waqooyi bari caasimadda Karachi, waxay xarun muhiim ah u tahay gobolka Sindh oo hoy u ah in ka badan saddex milyan oo hinduu ah, iyadoo madaxa dadka diintaa aaminsan uu codsaday in ninkan la ciqaabo.

Dalka Pakistan waa ka mamnuuc in la sameeyo xadgudub diimaha ka dhanka ah, iyadoo tan iyo 1990kii 52 ruux loo dilay kaddib xadgudubyo diimeed oo ay ku dhaqaaqeen.

Falalka liddiga ku ah Qur’aanka iyo Nebi Muxamed NNKH ayaa lagu muteystaa gudaha dalka Pakistan xukumo xabsi daa’in iyo dil toogasho kala ah, sida ay u kala horeeyaan.

Jahanzaib Khaskheli ayaa muteysan kara xabsi 10 sanadood ah iyo ganaaxyo kale oo dheeri ah sida ay boolisku hordhac ahaan u muujiyeen.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan