Home / Macluumaad / Booqo Hoteelka 5-Star ee Bisadaha lagu marti-geliyo

Booqo Hoteelka 5-Star ee Bisadaha lagu marti-geliyo

Muqdisho – Qolal heer-kul dhexaad leh, sariir boqortooyo iyo wixii soo raaca waxay kamid yihiin walxaha ay ku raaxaysanayaan bisadaha ku nool  Catzonia, oo ah 5 Star-ka cusub ee hoteellada Yaanyuurada.

Dhaca Damansara, oo ah meel u dhow caasimadda Kuala Lampur, hoteelkan si kooban waxaa loogu tala-galay in lagu ilaaliyo baahiyada ay qabaan Bisadaha iyo in lagu dhowro xuquuqdooda.

Sida loola macaamilana waa la yaab. Hoteelku wuxuu leeyahay meel ay ku nastaan martida ‘Bisadaha’ yimaada goobtan oo ay ku nastaan waqtiyada ay ku meegaarayaan hareeraha hoteelka. Waxaa intaas sii dheer tahay in aan loola dhaqmin si aysan u qalmin.

Ka kooban ku dhawaad 35 qolal oo u kala xiran afar qeyb, Catzonia waxaa maareeya howl-wadeenno shaqaale lagu leyliyay is-jecleysiinta iyo caashaq gelinta Bisadaha; way la dheelaan martida; la haasaawaan in door ah – iyaga oo hubsada inay ku nagaadaan raaxo iyo reynreyn.

“Waxaynu rumeysannahay in Bisaduhu u baahan yihiin fasaxyo si lamid ah dadka,” ayaa lagu yiri barta mareegta Catzonia Hotel. “Waxay aalaaba doorbidaan in loola dhaqmo sida Sayid. Waxay la micno tahay in deegaanku uga dhignaado guri meel kasta; way jecel yihiin aalaaba in lala maadeysto; hab lasiiyo. Mana jecla inay cidlo dareemaan.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan