Home / Macluumaad / Booqo Matxafka lagu keydiyo Moobilladii hore ee la isticmaalay

Booqo Matxafka lagu keydiyo Moobilladii hore ee la isticmaalay

Muqdisho – Inteenna badan waxaa dhacda in mid iyo laba aan ka heli karno telifoonnadii hore ee lasoo isticmaali jiray hayeeshe 26-jir lagu magacaabo Stefan Polgari ayaa keydkiisa ku haya ku dhawaad 3,500 tilifoonno ah oo isugu jira 1,231 kala nuucyo ah.

Polgari oo kasoo jeeda magaalada Slovekian-ka ee Dobsina wuxuu aalaba jeclaa la socodka tiknoolojiyadda, markii uu gaaray da’da 15-jirkana wuxuu baarayay hadba moobilladii soo kordha. In dheer kahor, wuxuu hayay nuucyada kala duwan ee tilifoonnada shirkadaha Nokia, Alcatel, Sagem, Ericsson iyo kuwa kale ee laga heli karo dalkiisa. Hayeeshe laba sano kahor keydkiisu wuu ballaartay markii lacag yar oo Euro ah uu kusoo iibsaday 1,000 tilifoonnadii hore ah. Wuxuu isha la raacayay gebi ahaanba tilifoonnada la waayay ee suuqa ka baxay mar hore. Maantana wuxuu heli karaa ku dhawaad 3,500 tilifoonno ah oo qaarkood ay shaqeynayaan.

Stefan wuxuu tilmaamay in aalaaba ay soo jiidan jirtay tiknoolojiyadda la xiriirta moobillada taas oo horumar sameyneysa taniyo 20-kii sano ee lasoo dhaafay – ururintiisuna waxay tilmaan u tahay middaas.

Si uu kaga yeelo keydka taariikhda ee kacaanka ay marayaan tilifoonnada, Stefan wuxuu gurigiisa ku yaalla degmada Dobsina ka dhigay Matxafka Moobillada halkaas oo si taxan loo dhex dhigay iskafaalooyinka. Qof kasta wuxuu kasoo booqan karaa dhinaca mareeg matxafka loo sameeyey.

Stefan sidoo kale wuxuu dhawaantan sameeyey warka ugu saameynta badan dalkiisa kadib markii buugga diiwaannada dalka ee Slovakian Book of Records uu ku galay matxafka ugu weyn wadanka – iyada oo xattaa la abaal-mariyay marqaati ama shahaado.

Hayeeshe wuxuu quudarreynayaa inuu galo booska koobaad ee ninka ugu keydka badan moobilladii hore dunida oo dhan. Waxaana kaalintaas ku jira nin Jarmal u dhashay oo la yiraahdo Carsten Tews. Waxaase xusid mudan in Stefan uu kaliya daneeyo moobillada vintage-ka la yiraahdo.

14-ka nuuc ee moobillada kala duwan oo keydkiisa ku jira waxay kala yihiin; Alcatel, Sagem, Siemens, ZTE, Ericsson, Samsung, Trium, Nokia, Panasonic, Motorola, Mitsubishi, Bosh, Sony-Ericsson iyo Philips. Moobillada qaar sida HTC ama Blackberry kuma jiraan keydkiisa.

Halkan ka daawo sawirrada;

q1 q2 q3 q4 q5 q6 q7

Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal.’

Isha: radiohimilo.so

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan