Home / Macluumaad / Boqollaal muslimiin ah oo ay ku adkaatay inay ku tukadaan Masjid Al Aqsa bisha Ramadaan.

Boqollaal muslimiin ah oo ay ku adkaatay inay ku tukadaan Masjid Al Aqsa bisha Ramadaan.

Himilo ­­­- Boqollaal muslimiin ah oo doonayay inay salaadahooda ku oogan masjidka barakaysan ee Al-Aqsa si ay ula kulmaan habeenka Laylatul Qadriga ayaa waxaa weeraray ciidamada Isra’iil.

Masjidka Al Aqsa oo muslimiinta muhiimad weyn u leh,  ku tukashadiisa waxaa u dhibtoonaya shacabka reer falastiin ah. Wararka ayaa sheegaya inay jiraan dadka ay dhaawacyo halis ah soo gareen sida kuwo indhahooda waayay.

Hay’adda Bisha cas ee Falastiin ayaa sheegtay inay ciidamada Israa’iil gudaha u galeen gudaha Masjidka barakaysan iyagoo sida ay sheegtay u dhaawacay in ka badan 200 oo ruux.

Rabshadaha xooggooda ayaa billowday Jumcadii kadiib markii ay ciidamo Israa’iil ku daabushay Majidka Al Aqsa oo ay muslimiintu ku gudanayeen waajibaadkooda diiniga ah.

Muuqaal la baahiyay ayaa lagu arkayay dadkii masaajidka ku cibaadaysanayay oo kuraas, kabo iyo dhagxaan ku tuuraya ciidamo albaabka laga galo masjidka joogay oo risaas ku jawaabayay.

Dadka dibad baxa dhigay jumcadii waxay sidoo kale muujiyeen siday uga xun yihiin in dhulkoodii daanta galbeed la deegaameystay kadib markii laga saaray, beesha calamka ayaa ku baaqaysa in arrinta la dejiyo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan