Home / Cayaaro / Borussia Dortmund oo xaqiijisay inuu Jude Bellingham ka tagi karo xagaaga soo socda

Borussia Dortmund oo xaqiijisay inuu Jude Bellingham ka tagi karo xagaaga soo socda

Himilo – Maamulaha kooxda Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa qirtay in kooxda reer Jarmal ay ku qasbanaan karto inay iibiso Jude Bellingham inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay BVB xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo ka qeyb qaatay sagaal gool iyo seddex caawin 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Bellingham ayaa dhaliyay seddex gool waxaana loo diwaangeliyay labo caawin 15 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkan, waxaa u sii dheer inuu dhaliyay afar gool iyo hal caawin shan kulan oo Champions League ah heerka group-yada.

19 jirkaan qandaraaska uu kula jiro Dortmund waxaa ka harsan saddex sano oo kale, laakiin waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Liverpool, Chelsea, Manchester City iyo Real Madrid ayaa la rumaysan yahay in ay doonayaan saxiixa xiddigan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Waxaa jiray warar sheegaya in Dortmund ay ku dooneyso in ka badan 100 milyan ginni da’yarkii hore ee Birmingham City, kaasoo la filayo inuu bilow u noqdo England Koobka Adduunka.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan