Home / Cayaaro / Bournemouth oo dooneysa inay lasoo wareegto goolhayaha Barcelona Neto

Bournemouth oo dooneysa inay lasoo wareegto goolhayaha Barcelona Neto

Himilo – Bournemouth ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay goolhayaha Barcelona Neto inuu yahay saxiix macquul ah xagaaga.

Damaca kooxda ayaa yimid markii ay dib ugu soo laabteen Premier League, Cherries ayaa haatan isku diyaarineysa kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka oo ay la ciyaarayaan Aston Villa galabnimada Sabtida.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Parker ayaa dajiyay qorshihiisa isku dayga ah inuu heshiis ku helo goolhayaha Barcelona ee Neto.

33-sano jirkaan ayaa seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ku qaatay Camp Nou, isagoo kaliya 21 kulan u saftay kooxda Catalan tartamada oo dhan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan