Home / Madadaalo / Brandon Berridge: Dab damiyaha ugu dheer caalamka

Brandon Berridge: Dab damiyaha ugu dheer caalamka

Himilo – Nin kasoo jeeda gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka oo dhirirkiisu yahay 6-fiit iyo 11.17-inch ayaa loo aqoonsaday dab damiyaha ugu dheer caalamka.

Brandon Berridge oo ka tirsan waaxda dab la dagaalanka magaalada Tullahoma ee gobolkaasi tan iyo 2006-dii, ayaa la guddoonsiiyay shahaadada Guinness World Records.

Kooxda Guinness, ayuu u sheegay inuu yahay ruuxa ugu dheer qoyskiisa oo ay ku jiraan xubno dhirir ahaan ka ag dhaw sidaa Aabaha reerka oo 6-fiit iyo 1-inch ah iyo hooyadii oo 5-fiit iyo 11-inch ah.

Dhirirkiisa waxaa faa’iida ku qabta kooxdiisa dab daminta ka shaqeeysa, oo waxa uu ka caawiyaa inay gaaraan meelaha dheer.

“Meelaha ciriiriga ah waa caqabadda ugu wayn oo haysata dadka sideeyda oo kale u dheer” ayuu yiri.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan