Home / Habka-Nolosha / Bravo oo ku biiri doono Manchester City.

Bravo oo ku biiri doono Manchester City.

Agaasimaha cayaaraha kooxda Barcelona, Robert Fernandez ayaa ku dhawaaqay inuu goolhaye Claudio Bravo ku biiri doono kooxda Manchester City.

Goolhayaha reer Chile ayaa muddo dheer lala xiriirinaayey kooxda tababare Pep Guardiola, iyadoo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka goolhayaha dooqa koowaad ee qaranka England Joe Hart kaasoo uusan tababare Guardiola la dhicin qaab ciyaareedkiisa.

Bravo ayaa booska dooqa koowaad ee goolhaye ee Barcelona wuxuu kula dagaalamayey Marc-Andre ter Stegen labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, Barcelona ayaase haatan go’aansatay inay iska iibiso iyadoo aan dooneyn inay lumiso goolhayaha reer Germany, kaasoo ku hanjabay inuu kooxda ka tegi doono haddii aan boos joogto ah loo ballanqaadin.

Fernandez ayaa saxaafadda u sheegay: “Waxaan heshiis la gaarnay Manchester City heshiiskaani waa mid hordhac ah waxayna kula wareegeysaa goolhaye Claudio Bravo. Isbuucaan oo dhan ayaan wadaxaajood kula jirnay Man City. Waxaana albaabka u furi doonaa inuu baxo Claudio marka aan lasoo saxiixano goolhaye kale.”

Barcelona ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato goolhayaha kooxda Ajax Jasper Cillessen, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu goolhayaha reer Holland qandaraas shan sanno ah qalinka ugu duugay Barcelona oo la meeldhigtay heshiis shaqsi ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan