Home / Cayaaro / Brentford oo heshiis lix bilood ah siineysa Christian Eriksen

Brentford oo heshiis lix bilood ah siineysa Christian Eriksen

Himilo – Brentford ayaa u soo bandhigtay Christian Eriksen heshiis lix bilood ah si uu dib ugu soo laabto kubada cagta, sida lagu sheegay warbixin.

29-sano jirkaan ayaan ciyaarin tan iyo markii uu wadnuhu istaagay ciyaartii Denmark ay la ciyaartay Finland intii lagu jiray Euro 2020, balse wuxuu muujiyay rabitaan ah inuu sii ciyaaro.

Inter Milan ayaa ogolaatay inay joojiso qandaraaskiisa ka dib markii la go’aamiyay in Eriksen uusan ka ciyaari karin Italy xaaladiisa caafimaad awgeed, taasoo ka dhigaysa mid xor ah xilligan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Brentford ayaa u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe qandaraas lix bilood ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin waxay ka mid yihiin afar kooxood oo Premier League ah oo haatan xiiseynaya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa sideed sano ku qaatay kooxda Tottenham Hotspur ee ka dhisan England, taasoo siisay khibrad badan, Brentford ayaa ka faa’iideysan karta waayo-aragnimadiisa.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan