Himilo – Malaayiin muslimiin ah oo ku nool daafaha dunida ayaa gudanaya waajibaadka bisha Ramadaan iyagoo cibaadadooda xoojinaya maadaama lagu jiro tobankii dambe, balse qaar ka mid ah masaajidda UK ayaan loo ogoleyn inay haweenku ku tukadaan salaadaha bishan.
Almas waa hooyo haysata saddex carruur ah isla marnaka Darajada labaad ee Master ka diyaarineysa jaamacadda ku taalla England. Waxay warbaahinta u sheegtay in loo sheegay inaysan habeenku tagi Karin masaajidda.
“Maalmahayga toddobaad dhamaadka ee aan wakhtiga firaaqada helo waxaan rabaa inaan salaadda Taraawiixda guto, balse markii aan la hadlay masjidkii degaankeyga, waxaa la ii sheegay, in aan la oggoleyn, carruurta, waayeelada iyo haweenka inay yimaadaan. Waxay igu noqotay qalbi jab.” Almas ayaa sidaas sheegtay.
Almas keliya ma aha haweenka ay u suura gali wayday inay masjidka degaankooda tagaan bishan Ramadaan. Dhowr masjid oo ku yaalla UK ayaa horey u go’aansaday inaysan haweenku tagin masaajidda inta lagu jiro bishan barakaysan.
Taraawiixda keliya ma aha waxyaabaha ka maqan haweenka, sidoo kale waxay tabayaan salaadda jamaacada Jumcada iyo salaadda Taajudka oo aysan u tagi Karin masjidka. Waxay sheegeen qaarkood inay tani tahay arrin lagu takoorayo oo loo baahan yahay isbeddel lagu sameeyo.
Masaajidda qaar waxay sheegeen inay tallaabadan u qaadeen ka hor tagga faafitaanka cudurka COVID-19, halka qaar kale ay sheegeen inaysan lahayn qeyb u gaar ah haweenka. Balse haweenka qaar ayaa dood ka qaba waxa ragga loogu ogolaaday ee haweenka loogu diiday.
Zara Mohammed oo ah madaxweynaha golaha muslimiinta ee Biritan ayaa sheegtay inay muhiim tahay in hab raacyada masaajidda ay noqdaan kuwo ragga iyo dumarka fursad u wada siinaya gudashada cibaadada bishan ramadaan.