Home / COVID 19 / Bukaan ka bogsaday COVID-19 kadib 115-cisho oo uu ku jiray qeybta daryeelka deg degga ah ee ICU

Bukaan ka bogsaday COVID-19 kadib 115-cisho oo uu ku jiray qeybta daryeelka deg degga ah ee ICU

Himilo – Kadib 115-cish oo uu ku jiray qeybta daryeelka deg degga ah ee ICU, Abu Taher Ismail oo u dhashay Bangladesh waa uu ka bogsaday xanuunka COVID-19.

55-jirkaan ayaa kamid noqonaya bukaanaddii ugu mudda dheeraa ee la dhul yaala feyruska Corona gudaha dalka Isu tagga imaaraadka carabta.

“Bukaanka waxa uu qabay xunuunka macaanka, markii uu ku dhacay Covid-19-na waxa uu keenay kilya xanuun, bukaanada gala xaaladaas oo kale 75 illaa 90 boqolkiiba waa ay dhintaan” Dr, Abeesh Pillai oo ka mid ahaa dhaqaatiirtii la tacaaleysay xaaladda caafimaad ee Taher ayaa sidaasi u sheegay Gulf News.

Waxa uu sii raaciyay, “markii aan geynay qeybta ICU-da waxaan ku billawnay inaan dhaqno kilyihiisa annaga oo adeegsaneyna qalabka CRRT, 15 beeri kadibna waa uu kasoo kabsaday xanuunkii Kilyaha ka hayay.”

Wiilkiisa Abu Bakr Siddique, ayaa si  maalinle ah u booqan jiray aabihii, balse looma ogoleyn inuu arko xayiraadda Covid-19 darteed.

Dr. Pillai ayaa tilmaamay in wali uu Abu Taher Ismail u baahan yahay daryeel gaar ah.

Qaaradda Asia, ayaa kaga jirta kaalinta labaad qaaradaha kiisaska ugu badan ee Corona laga diiwaan galiyay. In ka badan 7-milyan oo ruux oo ku nool qaaradda ayaa qaaday feyruska Corona.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan