Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Bukayo Saka u soo bandhigtay heshiis qaali ah si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo kooxda.
20-sano jirkaan ayaa qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda ka dhisan Waqooyiga London wuxuu dhacayaa xagaaga 2024-ka, waxaana jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Manchester City iyo Liverpool ayaa labaduba la sheegay inay aad ula dhacsan yihiin weeraryahanka, kaasoo si weyn loo filayo inuu qeyb ka noqdo xiddigaha xulka England ee u safraya Koobka Adduunka 2022.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa haatan u soo bandhigtay weeraryahanka qandaraas waqti dheer ah kaasoo ka dhigaya mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda. Iyadoo isbuuciii la siinayo £140,000.
Saka waxa uu ku jiray qaab ciyaareed wanaagsan intii lagu jiray ololihii 2021-22,wuxuu dhaliyay 12 gool, sidoo kale waxaa loo diiwaan geliyay 7 caawin, 43 kulan oo uu u saftay Arsenal tartamada oo dhan.