Home / Macluumaad / Buraanbur – bile dhaqan baab’a ku dhaw

Buraanbur – bile dhaqan baab’a ku dhaw

Muqdisho – Buraanbur waa nuuc ka mid ah suugaanta dhaqan ee soomaalida, waxa uu in muddo ah soo ahaa maanso dumarku isku weydaarsadaan afkaaraha ay qabaan, tijaabooyinka ay sameeyaan iyo waxa ay kala kulmaan waayahooda nolasha.

Marka aad maqasho Buraanbur waxay maskaxdaadu soo qabataa nooc Tixda ka mid ah oo ay gaar la yihiin dumarka.Waxa ay sooyaal ahaan u adeegsan jireen qaddiyadaha gaarka u ah, abaabinta caruurta iyo xiriirka lamaanaha.

Kama reebaneyn in loo isticmaalo arrimaha ka soo dhex muuqda bulshada iyo siyaasadda oo ay mararka qaarkoodna wehliyeen qoob ka cayaaro.

Waxa tusale inoogu filan sida dumarka qaar ugu adeegsan jireen xurnima raadintii oo kaalin muuqata ay kaga ahaayeen guubaabinta ragga, Xaliima Godane iyo Xaawa Jibriil ayaana ugu cad-cadaa hablihii lagu yaqiin hal-adeygga iyo ka dhiidhinta heeryadii gumeysigga.

Sidoo kale waxa badi ammaan iyo waano loogu tiriyaa caruuska iyo caruusadda wallaw uu jiro buraanbur loo tiriyo, dhaliil iyo duco si la mid ah kaalinta suugaanta oo ay iskala tirsan yihiin tixda.

Sanado ka Hor waxa uu ahaa Buraaburku midka loogu jecelyahay in laga tiriyo aroosyada kaas oo ahaa kan ugu xamaasadda badan marka loo eego arsooyada aan lahayn Buraanbur ,kaas oo ay dadka qaarkii u arki jireen caajis.

Waxa uu xiisa gaara lahaa marka labada qoys isugu yimaadaan maalinta toddobaad ee guurka kaddib ama shaash saarka, taas oo inta loo yeero hablo ku gaaroobay oo shaqo ka dhigtay ay halkaas kaga dhufan jireen buraanbur la wada jecleysto, laguna amaanayo waalidiinta iyo qoysaska lamaanaha.

Xamaasadda iyo sacabka dumarka goobta jooga waxa ku lamaansanaa hab cayaareed qurux badan oo ay soo bandhigayaan kooxda dheesha u qaabilsan hablaha loo soo xushay buraanburka.

Balse dhawaanahaan waxaad moodaa inuu sii yaraanayo buraanburka, oo uusan aheyn sidii lagu yaqiin oo ay dumarka dareenkoodu ku cabiri jireen, waxaana loo tiirinayaa is baddelka dhan kasta oo dhaqanka ah ka soo food saaray bulshadeenna.

Tuslaaha ugu dhaw markaan eegno, Buraanburkii loo qaadi jiray lamaanaha caruuska waxaad moodaa baddalkiisa in laga door biday koox qoob ka cayaar ah oo qalabkooda music-ga watta islamarkaana heesa soomaali iyo ajaanib isugu jira halkaas ka tuma, tiiyoo aan la dafiri karin in caruusyada bar ka mid ahi isku dhafaan buraanburka iyo Jaamka.

Marka aan soo qabanno buraanburka qudhiisa waxa ay maamooyinka qaar kuu sheegayaan iney sii wiiqmayaan macnaha iyo xikmaddii uu lahaa, taas oo iyana la timid in la waayo xamaasaddiisa.

Hase ahaatee si kasta waa nuuc ka mid ah suugaanta oo innaga sii dabar go’aya, una baahan daba qabad xeel dheer si jiilka soo socda loogu xiro.

Waana door gaar ku ah dumarka oo laga doonayo iney u xusul duubtaan sidaan  u heli lahayn Xaawa Jibriil oo kale oo doorkeedii buraanburka dartiis loogu naaneesay Xaawa Buraanburleey.

Sax waan heli karnaa iyada iyo intii la midka aheyd marka aan hiddo raac ku sameyno sooyaalkeenna, hooyooyinkeenna ku dhiiradaan soo bandhigidda Tixda nuuceeda buraanburka ee duugan.

Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; Umayma58@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan