Home / Madadaalo / Burcad dhacay in ka badan £26m markii ay u dhaceen guryo dad caan ah

Burcad dhacay in ka badan £26m markii ay u dhaceen guryo dad caan ah

Himilo –Saddex xubnood oo gaangis ah ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii ay fuliyeen tuuganimadii ugu waynayd abid ee Britain xilli lagu guda jiray fal-dembiyeedyo lala barbar dhigay falka filim Hollywood ah.

Guryaha caanka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday weerraro isdaba joog ah waxaana in ka badan £26 milyan oo lacag caddaan ah, dahab iyo dhagaxyo qaali ah lagu qaatay muddo 13 maalmood ah dhammaadka 2019.

Dhibanayaasha waxaa ka mid ahaa ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ahna  macalinkii Chelsea Frank Lampard,oo 43 jir ah, iyo xaaskiisa Christine, oo 42 jir ah, milkiilihii Leicester City ee geeriyooday Vichai Srivaddhanaprabha, iyo Tamara Ecclestone, 37 modalista England ah.

Muwaadiniin Talyaani ah oo lagu kala magacaabo Jugoslav Jovanovic, 24 jir, Alessandro Maltese, 45 jir, iyo Alessandro Donati, oo 44 jir ah, ayaa maanta qirtay shirqool lagu jabsaday galbeedka London December 2019.

Saddexda qof ayaa laga soo musaafuriyay Talyaaniga si ay u wajahaan eedeymaha, booliisku waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan iyaga oo ‘rumaysan inay yihiin lama taabtaan’.

Waxa ay qirteen dambiga ah inay maleegayeen tuugo halka tuhmane ka tirsan kooxda ee afraad, Daniel Vukovic, oo 44 jir ah, uu u baxsaday Belgrade  Serbia halkaas oo uu weli ku sii jiro ka dib markii uu ku guul daraystay dalabkii isu dhiibista.

Qoyska Lampard ayaa haystay ku dhawaad £60,000 oo saacado ah iyo  dahab la xaday xilli ay ka maqnaayeen hantidooda 1-dii Decembar.

Kadib, 10-kii Decembar, kooxda burcadda ah ayaa beegsaday guriga Mr Srivaddhanaprabhaoo ku yaal Knightsbridge, kaas oo qoyskiisu u beddeleen macbad dhimashadiisa ka dib, isagoo 60 jir ah, shil helikobtar ah wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka King Power Stadium Oktoobar 27 – 2018.

In ka badan 1 milyan oo gini oo hanti ah oo la xaday waxa ka mid ah saacad TAG Heuer ah oo uu xirnaa ka hor intii aanu u bixin Leicester maalintaas.

Ms Ecclestone, oo 37 jir ah, gabadh uu dhalay masuulkii hore ee Formula 1 Bernie Ecclestone, ayaa fasax kula joogtay  ninkeeda, mulkiilaha goobta farshaxanka Jay Rutland,oo 38 jir ah, iyo gabadhooda markii la weeraray gurigooda Palace Green, Kensington. December 13.

Boqolaal shay oo isugu jira dahab, lacag, dheeman iyo dhagxaan qaali ah oo qiimahoodu dhan yahay 25 milyan ginni ayaa laga xaday hantida 2,000  cag laba jibaaran ah, taasoo ku fidsan lix dabaq, taasoo la rumeysan yahay inay ahayd tuugonimadii  ugu weynaa abid ee dalkaas ka dhacda.

Waxaa loo malaynayaa in kooxdan burcadda ah ay weeraro la mid ah ka fuliyeen guryaha Yurub waxayna qorsheynayeen inay beegsadaan dad caan ka ah UK.

Keliya wax yar oo alaab ah ayaa la helay iyadoo inta soo hartay 26 milyan ginni ee boolida ah la rumeysan yahay in dibadda loo qaaday.

kooxdan burcadda ah ayaa isku dayay inay ku raaxaystaan hantidooda cusub.

Jovanovic iyo Vukovic, adeerkii, ayaa markii dambe lagu arkay CCTV dukaan weyn oo ku yaal  Harrods, iyaga oo kumanaan  ku qarash gareeyay alaabo qaali ah una saxiixday kaararka  iyagoo isticmaalaya magacyo been abuur ah.

Saddexda nin ee u dhashay dalka Talyaaniga ayaa markaas u dhoofay magaalada Milano, iyadoo Jovanovic uu timihiisa caddeeyey si uu muuqaalkiisa u beddelo ka hor inta aanu ka duulin garoonka diyaaradaha ee magaalada London.

Jovanovic waxa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah isniintii, halka Maltese iyo Donati lagu xukumay min siddeed sano iyo sagaal bilood oo xadhig ah.

W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan