Home / Habka-Nolosha / Busquets oo qandaraas cusub u saxiixay Barcelona

Busquets oo qandaraas cusub u saxiixay Barcelona

Sergio Busquets oo qadka dhexe u maamula kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qandaraaska u kordhiyay kooxda Catalonia ka dhisan.

Inkastoo si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester City kubad burburiyahaan ayaa qandaraas Camp Nou kusii heyn doona ilaa 2021 qalinka ku duugay.

Barcelona ayaana warbixin ku xustay in xiddigan uu heysto fursad labo sano oo dheeri ah qandaraaskiisa lagu kordhin karo oo lagu gaarsiin karo ilaa 2023, qandaraaskiisa ayaana lagu burburin karaa £150m.

Busquets ayaa Barcelona kusoo biiray 2005 walow kulankiisii u horeeyay ee kooxda uu saftay 2008 isagoo kula guuleystay lix horyaal oo horyaalka La Liga ah, saddex Champions Leagues iyo afar Copa del Rey.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan