Himilo – Koox tuugo xirfadley ah ayaa seddax sanno kahor ka xaday galbeedka London keyd buugaag taariikhi ah, kuwaas oo hadda dib loo helay.
Tuugada ayaa saqafka kore kaga soo dhacday Guri lagu hayey buugaagta si ay isaga jiraan qalabka digniinta bixiya, ka horta aysan ku baxsan gaari yar oo banaanka u yaalay.
Boliiska dalka Romania, ayaa hadda soo helay buugaagtaasi oo qiimahooda lagu qadarey $3.23-milyan, kadib muddo seddax sanno ah oo la baadi goobayey.
Bugaagtan oo gaaraya 200 oo xabo, ayaa laga helay god ku dhex yaalay guri la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleystaan kooxda tuugta xirfadleeyda ah.
Macluumaadyo laga helay guriya hawlgaalku ka dhacay ayey boliisku rajeynayaan inay horseedaan soo qabasho tuugada xatooyada geystay. Tuugadaasi waxaa horey loogu eedeeynayay 12-fal danbiyeed oo ka dhacay Ingiriiska oo lagu xaday hanti gaareysa 2.58-milyan oo doolar.
Buugaagta dib loo helay waxaa kamid ah kuwa ay qoreen Galileo Galilei, cirbixiyeenkii reer Talyaani, iyo Isaac Newton, caalimkii xisaabaadka ee u dhashay Ingiriiska.