Himilo – Mid kamid ah dad ku xirnaa maktabad ku taalla Britain ayaa la tagey laba buug oo uu ka qaatay xarunta sanadkii 1972-kii.
48-sanno kadib ayuu dib u celiyay, isaga oo raaciyay warqad raali galin ah.
Maktabadda oo ay leedahay xarunta Basingstoke Discovery Center, ayaa xaqiijisay inay dib u heleen buugaagtaasi oo qaanadda ka maqnaa mudada ku dhaw 50-ka sanno
Warqadda raali galinta oo ahayd fariin danabeed lagu hagaajiyay maktabadda, ayaa u qorney “waxaan si aan ula kac ahayn u qaadanayay buugaagta markii aan ka guurnay Basingstoke sanadkii 2972-kii, fadlan iga aqbala raali galinta ah inaan lasoo daahay,”
Matkabadda oo aqbashay raali galinta ayaa sheegtay labadadaasi buug mudadii ay maqnaayeen lumiyeen lacag dhan 10,800 oo doolar, taas oo ah lacagtii laga heli lahaa haddii la iibiyo.