Home / Macluumaad / Buundada Sky Bridge ee Malaysia

Buundada Sky Bridge ee Malaysia

Muqdisho – Mid kamid ah muuqaallada aan caadiga aheyn ee aad ku arki karto dalka Malaysia waa kaabaddan quruxda badan.

Laga dul-dhisay jaziiradda Langkawi Archipelago ee Malaysia, buundada lagu magacaabo Sky Bridge waxay sara kacan tahay 700 mitir oogada dusheeda. Waxayna dheer tahay 125 qumaati ah iyo 1.8 mitir oo ballac ah.

Ka dul-sarreynta heegada ugu maangalsan oogada dusheeda ayaa ka dhigtay mid dalxiisayaasha yimaada dalka Malaysia ay ku taamaan booqashadeeda. Sida loo dhisay macnaheedu kaliya ma ahan inay tahay mid ugub ku noqoneysa buundooyinka caalamka, hayeeshe sidoo kale waxay keensaneysaa mid la isku hallayn karo ku dul socoshadeeda.

Tani waxay ku suura-gashay adkeynta xaglaheeda ku xiran taaggaga dhulka iyo wiishashka kor suran oo mar kasta fududeeya kahortagga iyo badbaadada nafeed ee dalxiisaha iyo muwaadinka.

bridge1 bridge2 bridge3 bridge4 bridge5 bridge6 bridge7 bridge8 bridge9 bridge10 bridge11

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan