Home / Cayaaro / Buyer Munich oo dib usoo cusbooneysiisay xiisaha ay u qabto Hudson-Odoi

Buyer Munich oo dib usoo cusbooneysiisay xiisaha ay u qabto Hudson-Odoi

Himilo – Kooxda Buyer Munich, ayaa dib usoo cusbooneysiisay xiisaheeda xiddigga garabka kaga ciyaara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi, sida ay warisay Sky Germany.

Hudson-Odoi, ayaa lala xiriirinayaa illaa dhowr dalab, waxaana ka mid ah mid ku kacaya 35 milyan oo Gani.

Si kastaba, 19-jirkan heerka caalami ah ayaa qandaraas cusub oo shan sanno ah u saxiixay Chelsea September-tii ina dhaaftay, isaga oo 33-jeer kasoo muuqday horyaalka Premier League-ka fasal ciyaareedkii 2019-2020.

Hudson-Odoi, ayaa laga soo saaray keydkda daqiiqadii 80-aad kulankii xalay dhex maray Chelsea iyo Brighton,kaas oo 3-1 ay guusha ku raacday Blues-ka.

Sida ay daabacday METRO-na Buyer Munich ayaa u dhaw soo qaadashada xiddigan oo sidoo kale ay dooneyso kooxda RB Leipzig.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan