Home / Caafimaad / Caalamka: 226-ruux ayaa saacaddiiba ugu geeriyoota COVID-19

Caalamka: 226-ruux ayaa saacaddiiba ugu geeriyoota COVID-19

Himilo – In ka badan hal milyan oo ruux ayaa caalamka ugu geeriyootay xanuunka COVID-19, taas oo ka dhigan in 16-kii daqiiqaba uu geeriyooday hal qof amaba saacadiiba ay u dhinteen 226-ruux, sida lagu sheegay xogta bisha September.

Wadamada Mareykanka, Brazil iyo India, ayaa laga soo wariyay 45% kiisaska dhimasho ee la diiwaan galiyay.

Guud ahaan dalalka reer Yurub ayaa laga diiwaan galiyay 25% kiisaska dadka u dhintay Corona, waxeyna WHO ka walaacsan tahay sida dhakhsiya leh ee xanuunku ugu fidayo jihada galbeed ee qaaradda.

Shaxda tobanka wadan ee ugu daran ee xanuunku saameeyay waxaa kusoo baxay afar dal oo Yurub ah sida, Britain, Italy, France iyo Spain. Waxeyna taasi muujineysa khatarta ka jirta qaaradaasi.

Dalka India ayaa kaalinta koowaad kaga jira kiisaska Corona ee maalinlaha ah, oo tan iyo billawgii September waxaa maalintii laga diiwaan galinayay ku dhawaad 87,500 kiis.

Waxaa warkan uu soo yeerayaa xilli dowladaha qaar ay isku dayayaan inay qafiifiyaan xayiraadda COVID-19, inkasoo dowladaha barkoodna ay soo rogeen xayiraadyo cusub.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan