Himilo – Xafladaha arooska waa barta inta badan lagu soo bandhigo caado-dhaqameedyada dadyowga caalamka, dhaqamadaasi qaarkood ayaa ah kuwa cajiib leh. Waxeyse ka mideysan yihiin in arooska cusub loo rajeeyo nolol baraare leh.
Dalka Jarmalka: Muhiimadda wadajirka
Qof waliba waxa uu rumeysan yahay in sirta arooska guuleystaa ay tahay iskaashi dhex mara arooska iyo aroosadda.
Waxaa loo keenaa geed lasoo jaray iyada oo loo dhiibo miishaar laba dhinac oo la qabsada leh, waxeyna si wada jir ah ugu jaraan geedkaasi.
Waxey shaqadaasi qabtaan marka xafladda arooskooda ay soo idlaato, ka qeyb galayaasha arooska ayaana daawanaya.
Waxey ka dhigan tahay taasi caqabadda koowaad ee qasabka ah iney uga gudbaan iskaashi, waana caado ay leeyihiin dadka reer Jarmal.
Cuba: La imow lacag si aad ula ciyaarto aroosadda.
Mid kamid ah caadooyinka dadka reer Cuba, Nin waliba oo doonaya inuu la ciyaaro aroosadda cusub waa inuu la yimaadaa lacag.
Lacagtaasi ayuu ku dhajinayaa Cabuurka aroosadda marka la ciyaarayo, si looga caawiyo wiilka guursanaya qarashka, arooska, kan toddobo-baxa haddii kalena uu u keedsado.
Wales: Fandhaal.
Dhaqanka Wales, wiilka arooska ah ayaa u hadiyeeya xaaskiisa cusub qaado laga qoray geed. Waxaa qaadadaasi loo tixgaliyaa astaan jaceyl.
Marka uu xaaskiisa gudonsiiyana waxey ka dhigan tahay ballanqaad ah ineysan habeenna ku seexan doonin gaajo.