Muqdisho – Ardayda Jaamacada Tsinghua University, waxay sameeyeen Baaskiil awooda in uu wada la’aan dhaqaaqo, kaas oo keliggii is-kaxeynaya 12 saacadood oo xiriir ah.
Dadka qaar ayay suurtagal tahay iney qariibsadaan hase yeeshee ardayda ayaa kusoo bandhigeen Magaalda Beijing ee caasimada wadankaas.
“Qorshaheenna ugu weyn waxuu yahay sidii Baskiilku u dhaqaaqi lahaa isagoo dhinac u liican’ sidaas waxaa yiri Minnuo Zhao oo ka mida ah Cilmi-baarayaasha Jaamacada Tsinghua University.
“Waxaan dooranay hab lamid ah midka ay dadku isticmaalaan balse aan u baahneyn in lagu xakameyo gacmaha” ayuu hadalkiisa ku daray.
Cilmi baarahaan oo si qosol leh uga jawaabay su’aal la weydiiye oo aheyd, Maxaa isleedahay wuu qaban doonaa baaskiilkan? Waxuu yiri “Waxaan rajeynayaa in uu u qaado qalabka iyo biyaha marka ay dadku Jimicsi u bahayaan.”
Shiinaha waxuu ka mid yahay wadamada si aadka ah looga isticmaalo Baskiilka, maadaama dowladdu ay mamnuucday gawaarida tirada badan kaddib markii lasheegay in ka qeyb qaadanayaan qaaca ka baxayo wasaqowga Hawada.
Magaalada Beijing oo keliya ayaa laga adeegsadaa 2.4 Million oo baaskiil.