Home / Caafimaad / Canugaagu waa uu ka caafimaad badnaanayaa filkiisa haddii aad u dhameystirto Naas-nuujuinta

Canugaagu waa uu ka caafimaad badnaanayaa filkiisa haddii aad u dhameystirto Naas-nuujuinta

Muqdisho – Naas-nuujinta oo carruurta loo joogteeyo lixda bilood ee ugu horraysa, ayaa noqotay fursadda ugu wanaagsan ee ka baajinaysa ilmaha iyo hooyadaba cudurro khatar gelin kara noloshooda, Caanaha naasku, waa kuwo diyaarsan umana baahna kharash dheeraad ah iyo hawl kale toona.

Naas-nuujintu waxa ay ilmaha siisaa caafimaad uu ku ababo, Waxaana jira Faa’iidooyin fara badan oo naas-nuujintu ay leedahay.

Caanaha hooyada waxaa ka buuxa nafaqada uu ilmuhu u baahan yihay ee korisa ama kobcisa. Waayo, Waa caano ilmaha loogu Talo galay. Aad bay u fududahay in jirkoodu uu dheef-shiido, waxayna ka ilaaliyaan xanuuno fara badan iyo jeermiska xanuunada keena.

Carruurta naaska la nuujiyo intooda badan kuma dhacaan, xanuunada ay ka mid yihiin, Dhega xanunka, Xasaasiyada, neefta, macaanka, kansar, iyo kuwa kale oo aan tiro lahayn.

Dhibaatooyinka hor taagan hooyooyinka kuna kalliftaya inaysan nuujin waxaa ka mid ah, hooyooyinka oo rumeysan in caanaha naasku aysan ku filnayn ilmaha ama hooyada oo wakhti badan ka maqan guriga sida kuwa shaqeeya.

Sirta aad ku ogaan karto in ilmahaagu gaaray xilligii uu jidiinka wax Marin lahaa, waxa ka mid ah inuu bilaabo dhaqdhaqaaq, afka iyo carrabka ah  ama uu farihiisa afka geliyaa si aad u ogaatid inay tahay xilligii quudinta.

Oohintu waa shayga ugu danbeeya ee ilmahaagu sameeyo, Si aad u ogaatid in la gaaray xilligii uu wax cuni lahaa. Ilmahaaga cusub ee dhashaa waxa uu u baahan yahay inuu had iyo jeer wax cuno. Badanaa, 1-3 saac kasta, ama in ka badan 12 jeer maalintii. Waxaad u baahan tahay iyana, inaad hurdada ka toosisid habeenkii Si aad wax u siisid.

Ilmuhu Waa hibo qaali ah oo noloshaada ah, marka aad naftaada daryeeshana. Ilmahaaguna waxa uu ku raaxaysanayaa caano caafimaad leh. Naas-nuujintuna waa qayb muhim ah oo kor loogu qaadayo caafimaadka qoyska.

Hooyooyinka ilmaha nuujiya gaar ahaan kuwa ugubka ah inta badan waxay ka welwelaan in caanaha ay ku filan yihiin ilmaha iyo inkale. Hooyooyinka badankood waxay soo saaraan caano ku filan ilmahooda.

Caanaha naaska hooyadu waa quudka ugu horeeya ee uu dhadhamiyo marka uu aadamuhu u soo baxo ifka dunida aynu ku noolnahay guudkeeda.

Dhinaca kale baaritaanno la sameeyey ayaa lagu ogaaday dhinaca koritaanka maskaxda in ilmaha naasnuujinta loo sameeyo ay ka fiican yihiin kuwa aan la nuujin. Sido kale Caruurta naaska si gaar ah loo siiyo lixda bilood ee ugu horreysa ayaa ka dabeecad wanaagsan ama waxbarashada ku fiican sida lagu sheegay daraasado la sameyay.

Qore: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan