Home / Habka-Nolosha / Caqabad kale oo soo wajahday macalin Wengar,  xili la soo sheegay in Aaron Ramsey Oo Muddo Bil ah Garoomada Ka Maqnaan Doona.

Caqabad kale oo soo wajahday macalin Wengar,  xili la soo sheegay in Aaron Ramsey Oo Muddo Bil ah Garoomada Ka Maqnaan Doona.

Arsene Wenger ayaa weyn doona xiddiga muhiimka ah Aaron Ramsey oo dhawac muddo bil ah kku maqnaan kara,

Xiddiga reer Welsh ayaa la filayaa inuu ka maqnaado kooxdiisa kadib markii dhawac canqowga ah uu kasoo gaaray kulankii guuldarrada 4-3 kooxdiisa kala kulantay Liverpool.

Ramsey ayaa hadda ku biiray liiska dhaawacyada Arsenal oo hore ay kaga maqnaayeen Per Mertesacker iyo Gabriel Paulista.

Waxaa la rajeynayaa in Ramsey taam u noqon doono kulanka kooxdisa wajaheyso Southampton September 10.

arintaan ayaa dharbaaxo ku ah kooxda Arsenal oo si hooseeya ku furatay ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan.

Macalinka Gunners ayaa qiray kadib guuldaradii Liverpool in Ramsey daal badan iyo dhawacyo uu kasoo qaaday Euro 2016.

“Waxaan ognahay hadda in uusan taam aheyn Ramsey ,dhaqaatiirtu waxay noo sheegeen inuu jiro xanuun cangowga ah, waa dhibaato akel oo kooxdeena soo gaartay ayuu yiri Wenger.

25- jirka qadka dhexe ka ciyaara ayaa ku dhaawacmay kulankii Arsenal ay weji gabaxa kala kulantay Liverpool waxaana daqiiqadii 61-aad lagu badalay Santi Cazorla.

Arsenal waxaa heysta caqabado dhanka dhaawaca ah waxaana weli dhaawac uga maqan Per Mertesacker, Gabriel iyo Danny Welbeck.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan