Carlo Ancelotti: ‘Waxaan hadda la tartami karnaa Chelsea’

0
2

Himilo – Carlo Ancelotti ayaa kalsooni ku qaba in Everton ay haatan la tartami karto Chelsea  oo ka mid ah kooxaha sida weyn ugu loolamaya booska afarta sare.

Ka dib markii ay garaaceen Chelsea bishii December markii Frank Lampard uu hoggaaminayay, Everton ayaa aadeysa Stamford Bridge si ay ula kulmaan kooxda oo markan ka hoos dheeleysa tababaraha cusub Thomas Tuchel.

Laakiin kooxda Toffees lafteeda ayaa wadata mowjado seddex guul ah oo isku xigta, waxaana ay haatan si dhab ah u tixgelin karaan naftooda in ay u tartameyso u soo bixitaanka Champions League.

Kulanka Isniinta ee Chelsea wuxuu udub dhexaad u noqon karaa rajada Everton, inkasta oo kulan baaqi u yahay, Ancelotti wuxuu aaminsan yahay inay gebi ahaanba ka duwan yihiin kooxdii sida  buuxda loogu garaacay 4-0 garoonka Stamford Bridge sannad ka hor.

Wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inaan ka fiicanahay, waxaan leenahay aqoon dheeri ah iyo aaminaad dheeri ah waxa aan sameyneyno.”

Waan la tartami karnaa Chelsea, way adkaan doontaa, waan ognahay, sababtoo ah waa koox fantastik ah laakiin waan tartami karnaa. ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here