Falastiiniyiinta ku sugan magaalada Quddus ayaa daan daansi iyo hurinta colaad cusub ku tilmaamay kaddib markii Wasiirka Amniga Maamulka Israel uu damcay in uu galo Masaajidka Barakeysan ee Al Aqsa.
Dadka Reer Falastiin ayaa wasiirkan oo xagjir ah ku sifeeyay mid hurinaya kacdoon kale oo ay Falastiiniyiinta ku diidayaan gelitaanka Itamar Ben-Gvir ee Masaajidka Al Aqsa.
Itamar Ben-Gvir, waxaa uu ka mid yahay xukuumadda cusub ee Yuhuudda,waxaana uu isku dayay in uu galo Masaajidka.
Ururka Xamaas ayaa ka digay in haddii Wasiirku galo Masaajidka ay taasi abuuri doonto colaad iyo caro ay arki doonaan dadka Yuhuudda ah.
Hayeeshee Afhayeen u hadlay Wasiirka ayaa sheegay in uusan qorshihiisa beddelin hanjabaadda Xamaasna aysan ka hor istaageyn gelitaanka Masaajidka.