Himilo – Caruurta ku nool marinka Qasa waxay weli la tacaalayaan weerarka joogtada ah ee Israa’iil, kaasoo ka jaray cunto iyo biyo iyagoo hor istaagay gargaarkii bini’aadannimo ee muhiim ahaa, kuna tuntay xuquuqdooda aasaasiga ah sida waxbarashada, taasoo keentay musiibo oo baahsan, xilli aduunka uu u dabaaldegayey Maalinta Caruurta Falastiin oo ku beegan 5ta Abriil sanad walba.
Halka caruurta dunida kale subax walba iskuul u diyaar garoobaan, kumannaan caruur ah oo Qasa ku nool waxay ku toosaan qaraxyo, burbur, iyo digniino la xiriira barakac.
Qaar badan oo caruurtaas ah halkii ay farxad uga heli lahaayeen la-jirka waalidiintooda, waxay noqdeen agoon.
Warbixinnada xuquuqda aadanaha iyo tiro-koobyo la sameeyey ayaa muujinaya in tobanaan kun oo caruur ah ay waayeen mid ama labadoodaba waalidiintood wixii ka dambeeyey 7dii Oktoobar 2023 markii Israa’iil ay bilowday dagaalka isir sifaynta.
Dowladda Falastiin waxay sheegtay in caruurta iyo haweenku ay ka badan yihiin 60% dadka waxyeeladu kasoo gaartay weerarrada socda. Caruurta ka yar 18 sano waxay yihiin 43% shacabka Falastiin ee 5.5 milyan ah, iyadoo 2.1 milyan ay ku nool yihiin Qasa.
Dagaalku wuxuu saameeyey caruur da’ kasta leh – laga bilaabo uur-ku-jirididdaa ilaa dhallaanka la dhashay ee ku jira qalabka lagu xanaaneeyo.
Xafiiska Tirakoobka Falastiin ayaa sheegay in 17,954 caruur ah la dilay tan iyo bilowgii dagaalka, oo ay ku jiraan 274 dhallaan ah. 876 kale oo aan sanad jirsan ayaa sidoo kale la dilay.
UNICEF waxay 1-da Abriil sheegtay in 322 caruur la dilay iyo 609 kale la dhaawacay tan iyo markii Israa’iil ay jebisay xabbad-joojintii 18-kii Maarso.
Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell ayaa sheegtay in caruurtu lagu qasbay in ay kusoo laabtaan wareegga rabshadaha, uuna baaqday in dhammaan dhinacyadu ilaaliyaan sharciga bini’aadannimo ee caalamiga ah.
Ciidanka Israa’iil ayaa 10kii Nofeembar 2023 xoog ku galay Isbitaalka Caruurta ee al-Nasr ee magaalada Qasa, halkaasoo ay qasbeen shaqaalihii caafimaadka in ay baxaan, taasoo sababtay geerida 5 dhallaan ah oo meydkooda laga helay qalabka dhalmada kadib markii ciidanku ka baxeen.
Caruurta sidoo kale waxay waayeen, cunto, iyo biyo. Cunaqabataynta Israa’iil ayaa hor istaagtay in la geeyo agabka nolosha aasaasiga ah, taasoo keentay gaajo baahsan.
Mas’uuliyiinta Falastiin ayaa sheegay in 52 caruur ah u dhinteen gaajo ama nafaqo-darro. Ku dhowaad 3,500 kale ayaa halis ugu jira dhimasho gaajo awgeed.
Burburka ka badan 88% kaabeyaasha nolosha ee Qasa, oo ay ku jiraan guryaha, ayaa reeraha bannaan yaal uga dhigay cimilada qabowga daran ee jiilaalka. Ugu yaraan 17 caruur ah ayaa u dhintay qabow iyagoo ku jira teendhooyin.
Xuquuqda waxbarasho si weyn ayaa looga qaaday caruurta. Iskuulada ayaa si kooban u furmay intii lagu jiray xabbad-joojinta, balse mar kale waa la xiray markii weerarku sii xoogaystay.
Dagaalka wuxuu sidoo kale caruur badan ka dhigay naafo, iyadoo boqortooyada Urdun ay bishii Maarso sheegtay in Qasa hadda noqotay meesha ugu badan caruurta lugaha laga gooyey marka loo eego tirada dadkeeda.
Guddoomiyaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini wuxuu ku tilmaamay xaaladda “cudurka naafanimada” oo caruur badan la gooyey iyadoo aan loo marin suuxin.
Xafiiska warfaafinta Qasa wuxuu 23kii Maarso sheegay in 4,700 Falastiiniyiin ah ay mareen xubin goyn ka dhalatay dagaalka, 18% ka mid ahna ay yihiin caruur.
In ka badan 39,000 caruur ah ayaa waayey mid waalidkood ah, halka ku dhowaad 17,000 ah ay waayeen labadoodaba, sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah. Qaar badan waxay ku nool yihiin teendhooyin ama burburka guryahoodii iyaga oo aan haysan daryeel bulsho ama nafsiyeed.
Bishii Febraayo 2024, Jonathan Crickx oo ka tirsan UNICEF wuxuu yiri, “canaug walba wuxuu leeyahay sheeko murugo leh.”
Caruur badan ayaa si khasab ah u noqday madaxa qoysaskooda kadib geerida ama xirnaanshaha waalidiintooda, iyaga oo u shaqeeya si ay u helaan cunto iyo waxyaabaha daruuriga ah. Boqolaal ayaa u leexday shaqo caruureed.
16kii Maarso, UNICEF waxay ka digtay in caruurta Qasa ay la tacaalayaan cabsi xad-dhaaf ah, walwal, iyo naxdin.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada Tom Fletcher wuxuu 24kii Janaayo sheegay in “hal milyan caruur ah ay u baahan yihiin gargaar nafsiyeed iyo taageero maskaxeed si ay ula tacaalaan niyadjab, walwal, iyo fikirka is-dilidda.”
Wuxuu Golaha Ammaanka u sheegay: “Caruur ayaa la dilay, gaajootay, qabow ugu dhimatay. Jiil dhan ayaa naxdin ku beerantay.”