Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands, lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Kubada Cagta Soomaalida ee xilliga xagaaga (HIRDA AFT 2016) kaasi oo ay sanadkaan ay ku loolamayeen illaa iyo 16-kooxood, kuwaasi oo isaga kala yimid gobolada kala gedisan ee dalka Holland iyo koox ka timid dalka Beljium.
Cayaarahaan oo ah mid sanadkiiba xilliga kuleelaha ay Hey’adda HIRDA ku qabato Magaalada Amsterdam ee wadanka Holland, ayaa waxaa sanadkaan si gaar ah loogu casuumay, Drs. Faadumo Cali Nuur oo ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, waxaana sidoo kale cayaarahaan loogu baroordiiqayay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhamaatay Baddaha Mediterranean-ka.
Inta ay Cayaaraha socotay ayaa waxaa garoonka lagu soo bandhigay Buug loogu Magacdaray (Isbar Afka Dutch-ka) oo uu qoray Eng. Barre, kaasi oo ku qoran Afka Soomaaliga, iyadoona ay sidoo kale bar-bar socdeen dhinaca mada-daalada.
16-koox ee Tartankaan ku loolamay ayaa kala ahaa: Den-Bosch, Antwerpen, Zwijndrecht, Rijswijk, Nijmegen,Zwolle, Barendrecht, Gauda, Eindhoven, Rotterdam, Nieuwgein, Valkenswaard, Nijkerk, Fc Oss, Utrecht, West-friesland, iyadoona ay kooxahaan soo bandhigeen cayaaro aad u xiiso badnaa oo soo jiitay dadweynihii usoo daawasho tagay.
Kooxaha West-friesland iyo Valkenswaard, ayaa ugu danbeyn isugu soo haray cayaarta Finalka, waxaana Horyaalka sanadka ee Cayaaraha HIRDA Summer Cup 2016, ku guuleysatay Kooxda West-friesland oo iyagu la guddoon siiyay koobka sanadka.
Sidoo kale kooxda Valkenswaard ayaa la guddoon siiyay koobka kaalinta labaad ee Cayaaraha HIRDA Summer Cup 2016, iyadoona sidoo kale halkaasi abaalmarino lagu guddoon-siiyay, Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa, gooldhalinta iyo Macalinka Sanadka.
Daawashada Cayaarahaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Madax ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha HIRDA Eng. Cigaal, Xubin ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Faadumo Cali Nuur, Agaasimaha HIRDA Drs. Faadumo Faarax, Aqoonyahano ay ka mid yihiin, C/qaadir Wardheere, Eng. Barre, Ganacsade C/qaadir Nuune, Cayaartoy hore oo ay ka mid ahaayeen Maama Batuulo Xaaji Nuur, Istaahil, Cabdi Cali, Marti sharaf kale, iyo Boqolaal dhalinyaro oo rag iyo dumar isugu jirey.
Madaxda Hey’adda HIRDA ayaa ugu Hambalyeeyay Kooxda West-friesland guusha ay gaareen, sidoo kale waxa ay Amaan ujeediyeen dhamaan Kooxihii kasoo qeyb galay Cayaaraha HIRDA Summer Cup 2016, kuwaasi oo muujiyay Cayaar wanaag, HIRDA Summer Cup 2016 ayaa kusoo idlaaday Jawi Isboorti oo aad u xiiso badan.
Salah Hassan (Salah Dheere)
Amsterdam – Netherlands
Email: salah@hirda.org