Dhowaan waxaa soo idlaaday tartankii kubbadda cagta ee loo qabtay gobollada dalka ee Muqdisho ka dhacay, waxaana ka qeyb galay lix kooxood.
Cayaartoyda ku cayaarayay magaca Jubaland ayaa booska labaad ee cayaaraha galay, markii kulankii Finalka ay gool ku laadyo uga hareen kooxdii ay la hardamayeen ee Puntland.
Xiddigahan oo ay wehlinayeen kuwii kala metelayay gobollada kale ee dalka ayaa xaflad sagootin iyo casho sharaf isugu jirtay loogu qabtay xarunta gobolka Banaadir, waxaana xafladdaas goob joog ka ahaa madaxda dalka ugu sareysa oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.
Kooxda ku guuleysatay horyaalka kubbadda cagta dalkeena Soomaaliya ee Banaadir SC ayaa sidoo kale casho sharaf u sameysay cayaartoydii kama danbeysta cayaaraha gobollada dalka soo gaaray ee kala metelayay Jubaland iyo Puntland.
Abuukar Mohamed Sheikh, guddoomiyaha kooxda Banaadir SC ayaa balan qaaday inay safaro gaagaaban ku booqan doonaan labadan xul ayna lasoo qaadan doonaan kulamo saaxiibtinimo.
Goor dhoweyd ayayse noqdeen cayaartoyda Jubaland kuwii ugu horeeyay ee magaala madaxda ka anbabaxa iyagoo ka duulay gegada dayuuradaha Aden Cadde, waxayna kusii jeedaan Kismaayo oo ah halkii safarkooda wadajireed uu kasoo bilowday.