Home / Habka-Nolosha / Cayaartoyda seegi doonta kulanka Finalka Puntland VS Jubaland

Cayaartoyda seegi doonta kulanka Finalka Puntland VS Jubaland

Maanta waxaa la dheeli doonaa kulanka ugu danbeeya cayaaraha gobollada dalka, cayaarta kama danbeysta ah ayaana u dhexeya xulalka Puntland iyo Jubaland.

Puntland ayaa kulankan weyn doonta cayaaryahan kamid ah daafacyadii u saftay kulan walba oo ay ka cayaareen tartanka gobollada dalka, waana wiilka lanbarka 12aad u xirta, Yasiin Maxamed Yaasin.

yas

Yaasiin ayaa kaarka cas qaatay kulankii ay la dheeleen afar dhammaadkii xiddigaha Hiiraan/Sh.dhexe, isagoo huruud hore u qabay ayay u raacday canaan ah sidii uu u hakin lahaa falalka ka baxsan dheesha, ugu danbeyse gacmaha ayuu ku qabsaday kubadda oo socota,  Garsoore Kaafi Xasan Shiine ayaana kaarka cas farta ka saaray.

Dhanka Jubaland weerar yahan muhiim u ah ayaa kulankan si rasmi ah u seegaya, waana xiddiga lanbarka sagaalaad u xirta  Fu’aad Axmed Cali.

jub

Fu’ad ayaa iska siibay buumadii uu xirnaa markii uu dhaliyay gool ku laad kulankii ay gool ku laadyada ku dhaafeen gobolka Banaadir, Garsoore Aadan ayaana kaarka cas siiyay.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan