Home / Habka-Nolosha / Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya oo maanta dalka ka ambabaxay

Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya oo maanta dalka ka ambabaxay

Cayaartoyda labaatan jiradda xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay gegada Aden Cadde airport, iyagoo ku sii wajahan magaaladda Djebouti oo xarun u ah dalka Jabuuti.

Cayaartoyda qarankeena ayaana lugta labaad Jabuuti kula dheeli doona dhigooda Itoobiya.

Lugtii koowaad Soomaaliya guuldarro ciriiri ah ayaa soo gaartay, gool waqti danbe ay iska dhaliyeen xiddigaheena ayaana lugta koowaad go’aamiyay Itoobiya inay gaarto guul 2-1.

Kulanka lugta labaad ee isreebreebka koobka qaramada Afrika ee labaatan jiradda ayaa la dheeli doonaa maallinta Jimcaha oo taariikhdu ay ku beegan tahay 18.April.2016.

Haddii wiilasha xulkeena oo macallin Farayare uu hogaaminayo ay guul hal iyo eber ah soo gaaraan kulanka Jimcaha, waxay ka dhignaan doontaa inaan kasoo baxno Itoobiya.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan